Dhagayso:- Suldaanka Beesha Celi oo Xasan Sheekh Maxamuud iyo Xildhibaanada Taagersan Digniin u diray

0

Suldaanka Beelaha Celi Axmed Xasan Xuseen (Garbacune) ayaa digniin Culus u diray Masuuliyiinta sare ee dowladda gaar ahaan Madaxwaynaha iyo Xildhibaanada ay isku Mowqifka yihiin wuxuuna uga digay dalka inay galiyaan dhibaato horleh.

“Waxaan u arkaa arinta Khilaafka Nasiib daro ka timid dhinaca Madaxwaynaha, sidoo kale waxaan ka xunahay Xildhibaanada banaanka ka keenaya Mooshinka iyadoon la gaarin shirkii Xildhibaanada iskugu imaan lahaayeen iyo Kalfadhigoodii taasina waxaan u arkaa arin Nasiib daro ah oo Soomaaliya usoo hoyatay” ayuu yiri Suldaan Garbacune.

Wuxuu sheegay Suldaan Garbacune dalka Soomaaliya markii uu ka baxay KMG dad badan inay sugayeen Horumar iyo Nabad galyo balse Xasan Sheekh Maxamuud oo adeegsanaya Kooxo yar oo isku danyihiin inuu arintaasi ka hor tagay,

Hadaba Hoos ka dhagayso Waraysi Suldaanka.

Nabadoon Axmed Xuseen Xasan Garbacune