(Daawo+ Akhriso): Warqada Mooshinki Sharci Darada Ahaa Ee Mahad Cabdalla Cawad Aqbalay.

0

mooshinkaMuqdisho (AGGM): Gudoomiye ku xigeenka Baarlamaanka Mahad Cabdalla Cawad iyo qaar ka mid ah Xildhibaanada ayaa waxa ay lacago badan ka qaateen oo laaluush ah urur diimeedka Damu Jadiid oo uu ka tirsan yahay Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Ah ee Soomaaliya, Gudoomiye Ku Xigeenka Baarlamaanka ayaa waxa uu aqbalay Mooshin sharci daro ah islamarkaana aan la heeyn magacyada Xildhibaanada soo gudbiyay Mooshinkaas iyo inta ay tahay tiradooda, waloow la sheegayo in xildhibaanada ku qoran magacyadooda warqada mooshinka ee loo soo gudbiyay Gudoomiye ku Xigeenka Baarlamaanka ay ku jiraan Xildhibaano aanba dalka joogin oo ku maqan dalka dibeddiisa.

Sida aad ku arki karto waxaa warqada mooshinka ku saxiixan gudoomiye ku xigeenka Baarlamaanka oo laaluush lacageed ka qaatay Madaxweynaha iyo urur diimeedkiisa Damu Jadiid.

Mahad Cabdalla Cawad ayaa gudaha golaha shacabka waxaa looga yaqaan (Mahad Maxaan Cunaa), waxaana ay Xildhibaanada badankood ka ashashaan hab dhaqankiisa foosha xun, damaacigiisa waalan iyo in uu yahay nin aan marnaba ku dhaqmin sharciga u dagsan Baarlamaanka.

Dhinaca kale kulanki Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa waxa uu noqonayaa mid taariikhda Soomaaliya ka gala baal dahab ah, iyadoo sabab looga dhigayo waa abid marki ugu horeeysay 23 sano kadib ee dalkeenu arko Xildhibaano dhoowraya sahrciga dalkeena u yaala, waloow ay Baarlamaanka ka tirsan yihiin qaar ka mid ah haraadigi Xildhibaanadi Baarlamaanki hore ee Soomaaliya ee loogu magac daray Fadlan Ku Shubo Lacag.

Isku soo wada duuboo Gudoomiye Ku Xigeenka Baarlamaanka Mahad Cabdalla Cawad ayaa waxa uu maanta ku fashilmay Mooshinki sharci darada ahaa ee uu wax ka soo abaabulay kadib marki ay ku fahmeen inta badan Xildhibaanada aqoonta leh ee xubnaha ka ah Baarlamaanka Soomaaliya.

Halkan Hoose Ka Akhriso Warqada Mooshinka:

mooshinka

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com