Ciidamada Huwanta Oo Maanta Ka Anbabaxay Magaalada Beledweyne.

0

jabuutiBaladweyne (AGGM): Ciidamo aad u hubeysan oo isugu jira kuwa maamulka gobolka Hiiraan, kuwa Jabuuti iyo waliba Itoobiya ayaa saakay ka anbabaxay magaalada Beledweyne iyaga oo ku sii jeeda saldhigyada Al-shabaab ay kaga sugan yihiin gobolka Hiiraan.

Saraakiisha maamulka gobolka Hiiraan ayaa sheegay in qorshahan uu yahay mid lagu doonayo sidii Al-shabaab looga saari lahaa saldhigyada ay gobolka ku leedahay, iyagoo sheegay in ciidammo lugta ah ay xalay ku baxeen laba jaho, saakayna ay magaalada ka ambabaxeen gaadiidkii dagaalka.

Saraakiisha maamulka ayaa inta ku darray in ciidamo lug ah xalay saqdi dhexe ka anbabaxeen magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, saakay waabarigii horena magaalada ka dhaqaaqeen ciidamo ku hubeysan gadiidka dagaallka, kuwaa oo ku sii jeeda deegaannada ay ka mid tahay degmada Buula-burte.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamada Itoobiya oo dhinaca Bariga ku baxay ay ku dhow yihiin deegaanka Garasiyaani, halka kuwa Jabuuti iyo Somalia oo iyaguna ku baxay dhinaca Galbeedka ay ku dhow yihiin deegaan lagu magacaabo Luuq-jeeloow.

Howlgalka ayaa imanaya xili dhawaan Al-shabaab weerar is xig xiga oo ismiidaamin ah ka geysteen magaalada Beledweyne, waxaana weeraradaas marka leysku geeyo la rumeysan yahay in ay ku dhinteen dad ku dhaw dhaw 50 ruux.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com