Xildhibaanada Baarlamaanka Oo Isku Khilaafay Mooshin Laga Gudbiyey R/wasaare Saacid.

0

baarlamaanka2_large2Muqdisho (AGGM): Qaar ka mid ah xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa isku khilaafay mooshin ka dhan ah R/wasaare Saacid oo loo gudbiyey Guddoonka Baarlamaanka, kaas oo ay ka doodistiisa amaba cod u qaadistiisa ay bilaabaneyso todobaadkan maanta bilowga ah gudahiisa, waxayna xildhibaanada qaar ka dalbadeen Madaxweyne Xasann Shekh inuu soo magacaabo R/wasaare cusub haddii uu Saacid uu waayo codka kalsoonida.

Xildhibaanada ayaa la kala safan dhinacyada khilaafku hareeyay ee xafiisyada Madaxweynaha iyo Ra’isul wasaaraha, waxaana qaarkood ay taageersanyihiin mooshinka ka dhanka ah R/wasaraha, halka qaar kalena ay diidanyihiin, waxaana uu khilaaf xoogan uu ka dhashay mooshinka laga gudbiyey Xukuumadda R/wasaare Saacid.

Sida ay sheegatay Xildhibaanad Khadiijo Maxamed Diiriye oo ka mid ah mudanayaasha taageersan mooshinka ka dhanka ah R/wasaaraha ayaa sheegtay inay ka mid aheyd 168-mudane oo saxiixday mooshinka qabyada ah kaas oo loo gudbiyey shir Guddoonka Baarlamaanka, walow shir Guddoonka aanu sheegin in mooshinka uu soo gaaray iyo in kale, waxayna ugu baaqdy Madaxweyne Xasan inuu u diyaargaroobo magacaabista R/wasaare cusub, Khadiija Maxamed Diiriye iyo xildhibaanada ay isku aragtida yihiin waxay qabaan in Sabtida Baarlamaanka laga hor akhriyo mooshinka ka dibna la guda galo doodiisa.

Dhinaca ka soo horjeeda waxaa ka mid ah Xildhibaan Faysal Warsame Maxamed oo ah Guddoomiyaha Guddiga arrimaha bulshada ee baarlamanka, isagoo dhawaan la hadlay saxaafada ayaa waxa uu sheegay in xildhibaano kor u dhaafaya 140 ay meel ku wadaqadeeyeen, ayna ka horjeedaan mooshinka laga keenayo xukuumadda Ra’isul wasaare Saacid, xildhibaan Faysal wuxuu kaloo cambaareeyay in mooshinka laga baahiyo idaacadaha ka hor inta aanu tegin shir guddoonka ka dibna shir guddoonka uu xaq u leeyahay inuu shaaciyo mooshinka.

Isku soo wada duuboo ilo ku suga gudaha magaalada Muqdisho ayaa waxa ay inoo xaqiijiyeen tirada Xildhibaanada ee dalka waqtigan xaadika ah ku sugan inay gaarayaan 200 oo xildhibaan, haddaba marki leeysku daro tirada ay sheegatay Xildhibaan Khadiijo Maxamed Diiriye oo ah 168 iyo Titarada uu sheegay Xildhibaan Faysal oo ah 140 Xildhibaan waxaa kuu soo baxaya inay tahay 308 Xildhibaan taasi oo ku tuseeysa in waxbadan ka qaldan yihiin tirada ay sheegtay Xildhibaan Khadiijo Maxamed Diiriye.

Isha Ku Ha Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com