War Deg Deg Ah: Ganacsade C/ladiif Oo Madaxtooyada Kismaayo Gudaheed Lagu Dilay.

0

Breaking-NewsKismaayo (AGGM): Wararka hadda naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ayaa waxa ay sheegayaan in gudaha Madaxtooyada magaalada Kismaayo lagu dilay ganacsade caan ah oo lagu magacaabi jirey C/ladiif oo ay ilmo adeer yihiin R/wasaarihi hore ee Soomaaliya C/risaaq Xaaji Xuseen.

Ganacsade C/ladiif ayaa waxa uu kamid ahaa ganacsatada caanka ka ah magaalada Kismaayo, dilkiisa ayaa waxaa ka dambeeyay mid kamid ah maleeshiyo beeleedka Raaskambooni .

Odoyaasha dhaqanka beesha Majeerteen ee Waamo ayaa waxay isku dayeen inay maanta dhexgalaan xiisad maanta marki hore ka bilaabatay gudaha magaaladaasi kadib marki uu Ganacsade C/ladiif isagoo is difaacaya dil u geeystay mid kamid ah maleeshiyo beeleedka Raaskambooni oo weerar ku soo qaaday, kadib ayaa odoyaasha waxa ay kaxeeyeen Ganacsade C/ladiif waxayna u tageen Madaxtooyada magaalada Kismaayo si ay u xaliyaan diyada ninka la dilayna u baxshaan, waxaa dhacday in isla goobti isagoo la fadhiya odoyaasha Ganacsade C/ladiif mid kamid ahaa ilaalada Madaxtooyada Kismaayo uu Rasaas aan loo meeldayin huwiyay, waxaana isla goobtaas ku geeriyooday Ganacsade C/ladiif oo ay ilmo adeer ahaayeen R/wasaare C/risaaq Xaaji Xuseen.

Odoyaasha dhaqanka beesha Majeerteen ee Waamo ayaa iyaga iyo Gaarigi ay wateen waxaa la huwiyay rasaas,mana ay jiraan cid wax ku noqotay Rasaasta la huwiyay gaariga Odoyaasha Saarnaayeen.

Warkan ayaa intaasi waxa uu ku darayaa in magaalada Kismaayo ay isaga baxeen dhamaan odoyaasha iyo maleeshiyada beesha Majeerteen waxaana hadda wararku sheegayaan inay ku sugan yihiin deegaanka QANDAL oo magaalada Kismaayo kaga beegan koonfur galbeed qiyaastina u jirta 6 ilaa 8 KM.

Dhinaca kale waxaa habeenki labaad Bandow saaran yahay magaalada Kismaayo, waxaana hadda ka dhacaya magaalada Rasaas aan la garan ujeedka loo ridayo.

Isku soo duuboo waxaa si xoowli ah weli uga socda gudaha magaalada Kismaayo Dilalka, Dhaca, Kufsiga iyo Barakicinta loo geeysanayo  Ganacsatada iyo dadka rayidka ah ee magaaladaasi ku sugan.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com