Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Oo Booqday Saldhiga Booliiska Beledweyne.

0

saacid baladweyneBaledweyne (AGGM): Taliyaha ciidamada booliiska Soomaaliyeed Jen C/xakiin Daahir Saciid Saacid oo ka mid ahaa wafdigii dowladda ee maalintii shalay gaaray magaalada Beledweyne ayaa maanta booqday saldhiga booliiska Beledweyne oo Taladaadii aynu so dhaafnay weerar culus ku qaadeen kooxda Al-shabaab.

Taliyaha ayaa kurmeeray saldhigga ciidamada booliska degmada Beledweyne ayaa ka dhawaajiyay in kor loo qaadi doono tayada iyo tirada ciidamada Booliska gobolka Hiiraan si ay ula dagaalamaan kooxaha ka tirsan Al-shabaab ee dhibaatada ka wada magaalada Beledweyne.

Waxaa uu sheegay taliyaha in maalmaha soo socda qalab casri ah loo keen doono ciidamada Booliska gobolka Hiiraan si ay u adkeeyaan ammaanka magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Jen Saacid ayaa siweyn u amaanay ciidamada booliska ee ka howgala gobolka Hiiraan wuxuuna tilmaamay in ciidamada Booliska gobolka Hiiraan ay soo qabteen howllo aad u balaaran ayna si buuxda ula wareegi doonaan ammaanka gobolka Hiiraan.

Waxaa uu sheegay ugu danbeytii weerarkii Taladaadii aynu soo dhaafnay ka dhacay saldhiga booliiska muujinayo sida ay kooxda Al-shabaab u taagan tahay heer quus ah, waxaana uu intaa raaciyay ciidamada booliiska gobolka Hiiraan maalmaha soo socda wax weyn iska badali doonaan.

Isha Ku Ha Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com