Safiirka Turkiga U Fadhiya Soomaaliya Oo Ka Warbixiyay Safar Uu Ku Tagay Magaalada Hargeysa.

0

safiirka-turkigaHargeysa (AGGM): Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya Kamaludiin Kanu iyo wafti uu hogaaminayo oo ganacsato ah ayaa socdaal shaqo oo qaadan doona muddo afar maalmood ah ku tagay shalay Somaliland, waxaana garoonka Hargeysa ku soo dhaweeyay xubno ka mid ah golaha wasiirada ee maamulka Somaliland, safiirka Turkiga oo ka hadlay booqashadiisa ayaa sheegay inay la xiriirto sidii loo sii xoojin lahaa waxwada qabsiga labada dhinac. Waxa kale oo uu tilmaamay inuu u socdo sidii loo sii ambo-qaadi lahaa wada hadaladii u socday Somaliland iyo Soomaaliya ee dalkiisu marti-gelinayay, kuwaas oo ugu yaraan labo jeer dib u dhacay.

“Waxaa ka mid ah ujeedada socdaalkeyga Somaliland sidii loo sii wadi lahaa wadahadaladii Turkigu martigelinayay ee u dhaxeeyay maamulka Somaliland iyo dowladda Soomaaliya, inkastoo ay jirraan mawduucyo siyaasiya ah haddana waxaan rajeynaynaa in la sii wadi doono wada hadaladan” ayuu yiri danjiraha Turkigu, safiirku waxa uu sheegay inuu ku faraxsan yahay booqashadiisa Somaliland, waxaanu xusay in wadankiisu kala shaqeyn doono horumarinta ganacsiga, maalgashiga iyo dhaqaalaha.

Dhinaca kale waxaa isna halkaasi ka hadlay wasiirka qorshaynta maamulka Somaliland Dr. Sacad Cali Shire oo ka mid ahaa wasiiradii soo dhaweeyay waftiga wuxuuna yiri “Waxaa inoo yimid safiirka Turkiga iyo wafti balaaran oo uu hogaaminayo kuwaas oo ka yimid dalka Itoobiya, ujeedada socdaalkooduna waxa uu la xiriiraa sidii loo sii xoojin lahaa cilaaqaadka qotada dheer ee ka dhaxeeya labada dhinac gaar ahaan dhinacyada waxbarashada, dhaqaalaha iyo siyaasadaba,”

Waftiga ka socda dalka Turkiga waxa garoonka Hargeysa ku soo dhaweeyay wasiirrada Qorshaynta, Beeraha iyo wasiir ku xigeenka ganacsiga Somaliland,waxaana la sheegay in mudada afarta maalmood ah ee ay ku sugan yihiin Somaliland ay booqan doonaan qaar ka mid ah magaalooyinka Somaliland iyaga oo ay u kuur-galayaan dhaqdhaqaaqa ganacsiga,waxaana lagu wadaa inay kulan la yeeshaan xubno ka mid ah golaha Wasiirrada iyo Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud {Siilaanyo}.
Isha Ku Ha Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com