Qaar Kamid Ah Xildhibaanada Oo Dhagaha Ka Fureeystay Digniinti Gudoomiyaha Baarlamaanka.

0

xildhibaanoWaxaa dadka badankiis isweeydiinayaan ma anagaa waalan mise cadan ayaa laga heesayaa, anoo taa ulla jeeda maalmihi la soo dhaafay waxaan Idaacadaha ka dhageysanay Xildhibaano leh mooshin ayaan waxaanu ka gudbinay Xukuumada uu hogaamiyo R/wasaare Saacid.

Akhristoow waxaa isweeydiin mudan sidaan la socono Baarlamaanka waa u xirnaa, Gudoomiyaha Baarlamaankana dalka waa uu ka maqnaa, xagee faataxada iska qabsan la’adahay?

Ninbaa horey waxa uu u yiri Run iyo Been lama tar tansiin karo, balse waxaad moodaa indhoweeydba in Siyaasiyiinta Soomaaliyeed ay ku noolaayeen been iyo jahwareerin ay ku lunsanayaan dhaqaale, haba u badnaadeen Xildhibaanadi hore ee Baarlamaanka Soomaaliya oo nolol iyo aayaba ka dhigtay inay sugaan khilaaf soo kala dhexgala Madaxda Dowladda si ay shilimo uga daadsadaan idaacadahana uga tabiyaan waxaan jirin kuna saleeysnayn runta iyo xaqiiqda jirta markaas iyaga oo xalaalsanaya shilamadeey qaateen.

Sida dadka badankiiba wada ogsoon yihiin Baarlamaanka Soomaaliya waa u xirnaa mana ay jirin wax shaqo ah oo ka socday gudihiisa, haddaba su’aasha isweeydiinta mudan ayaa iyana waxa ay tahay Xildhibaanada xageey ku soo diyaariyeen Mooshinka? Soose sharci daro ma,ahan in shaqadii Baarlamaanka gudihiisa lagu qaban lahaa in Hoteelo ku yaala magaalada Muqdisho lagu qabto iyada oo uu Gudoomiyihi Baarlamaanka dalka ka maqan yahay?

Xildhibaanada ah ee maalmahan ka hadlayay Idaacadaha gudaha iyo dibedda ayaa waxa kale oo ay been abuur ku sameeyeen Xildhibaanada kale ee aan qeeybta ka ahayn Mooshinka amaba khilaafka golaha FULINTA kadib marki ay kooxdan Xildhibaanada ah sheegeen inay mooshinka saxiixeen 168 Xildhibaan taa oo ah been abuur cad oo laga soo abaabulayay gadaalna ay ka riixayeen Madaxweynaha iyo kooxdiisa Damu Jadiid, haddaba xeerka u yaal ku been abuurshada Xildhibaanada waxaanu u deeynaynaa Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo Gudoomiayah Gudiga Anshaxa Baarlamaanka, weliba inaga oo dhoowrayna talaabada ay ka qaadaan Xildhibaanada been abuurka sameeyay.

Waxaa cad oo muuqata lana hayaa cadeeymahooda maqal iyo muuqaalo Xildhibaanada inay laaluush lacago ah qeeybinayeen amaba qaateen, weliba iyagoo ku saxiixay warqado magacooda iyo Nambarka aqoonsiga xildhibaanka (ID Card Number).

Xildhibaanada ayaa waxa ay qatar galiyeen amaanka guud ee Golaha Shacabka maadaama Nambarada Warqadahooda aqoonsiga gacanta ay u galeen dhamaan dadka Muqdisho jooga oo xataa laga yaabo inay gacanta u galeen kooxda Nabad diidka ah ee Al Shabaab.

Isku soo wada duuboo Xildhibaanada Idaacahada la taagnaa maalmahan mooshin ayaanu xukuumad ka gudbinay ayaa waxa kale oo ay hilmaameen in dhawaan uu uga digay Gudoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Shiikh Cusmaan Jawaari isagoo si cad ugu sheegay inay ka foojignaadaan inaysan dhex boodin khilaafka golaha Fulinta, Soomaalida ayaa waxa ay ku maah maahdaa (Nin Kuu Digay Kuma Dilin), haddaba Xildhibaanada ku tuntay sharciga iyo anshaxa Mudanaha Baarlamaanku leeyahay soo ma mudna in loo diro Gudiga Anshaxa Baarlamaanka Baarlamaanka? waxaanu dhoowrnaba waa sida uu ka yeelo Gudoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Shiikh Cismaan Jawaari iyo Gudiga Anshaxa Baarlamaanka..

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com