Nicholas Kay Oo Soo Gabagabeeyay Socdaal Uu Ku Maray Deegaanada Maamulka Puntland.

0

kay1-150x150Muqdisho (AGGM): Ergayga Gaarka ah ee Qaramada Midobay u Qaabilsan Arrimaha Soomaaliya, Nikolas Kay ayaa maanta soo gebagebeeyay seddex maalmood oo booqasho ah oo uu kutegay Dowlad Goboleedka Buntland asaga oo ku hakaday magaalooyinka Garoowe, Galkacyo, iyo Bosaaso. Booqashadaas oo hordhac u aheed soo xulitaanka xubnaha baarlamaanka oo dhacaysa Bisha Disheember iyo doorashada Madaxwayne nimo ee lagu tala galsanyahay in ay ka dhacdo halkaasi 8 Busha Jenaayo 2014.

Mudane Kay, waxa uu la kulmay Madaxwanaha Buntland oo ka mid ah Musharaxiinta Maddaxwayne nimadda,iyo Musharaxiinta kale ee Madaxwaynenimadda, Odday dhaqmeedyadda, xubnaha Bulshadda Rayidka ah, oo ay ku jiraan Haweenka.

“ Guud ahaan, waxaa la ii sheegay in habka doorashada uu socdo. Waxaa kale oo aan la fajacay sida ay qof-waliba ooga go’antahy helitaanka doorasho ku dhisan nabad, Xorna ah haddana huffan. Hase- yeeshee waxaa loo baahanyahay in waxa laga qabto mid ama labo arrimood oo kale si loo helo natiijo qof walba uu ku kalsoonaankarto’, ayuu yiri Mudane Kay.

“Oday Dhaqmeedyadda, Musharaxiinta, iyo Bulshadda Rayidka ah dhamaantood waxay soo dhoweeyeen sida uu Madaxwaynaha u doonayo in uu wadda tashi guud uu u suubiyo kahor inta uusan magacaabin Guddigga Farsamo ee Xulitaanka ( waa Guddiga Xalinta Khilaafaadka iyo Dibu-u heshiisiinta). Dadka dhamaantooda waxay hoosta ka xariiqeen muhiimadda uu leeyahay wada tashiga sidan oo kale ah”, ayuu Yiri Mudane Kay. “Dadka intiisa badan ee aan la kulmay oo uu Madaxwaynaha ka midyahay waxay igu raaceen walaaca aan qabo oo ku saabsan tira aadka u yer ee Haweenka ah ee ku jiray Baarlamaankii hadda u dambeeyay. Sidaas darted , Ergaygu waxa uu hoosta ka xariiqay muhiimadda ay leedahay oogu yeraan in ay hal haween ah ka soo gasho markan Gobol walba- waa shantii gobo ee asalka aheed.’

Sidoo kale, Ergaygga waxaa uu warbixin ka dhegeestay Generaal Saciid dheere oo ka mas uul noqonayo arrimaha amniga ee doorashada soo socota. Musharaxiintu waxay dhamaantooda muujiyeen kalsoonidda ay ku qabaan Hogaaminta suuban ee (Generaalka) iyo sida ay ooga go’antahay in uu Musharax kasta waxy uga qabto arrimihiisa Amniga- si ku haboon. Ergayga ayaa oogu baaqay dhamaan Musharaxiinta, in ay u tartamaan si ay ku dheehantahay masuuliyad, kana qaybqaataan sidii doorasho nabadi ku dheehantahay ay u dhici laheed. Waxa kale oo uu sheegay Ergaygga sida ay ‘muhiim u tahay in ay helaan Musharaxiinta amni ku haboon- mid walba- marka uu soo galo/ ama ay soo wadda galaan magaaladda Garoowe.”

Mudane Kay, waxaa kale oo uu aad u ifiyay doorka ay leeyihiin warbaahiinta- taas oo ku aadan masuuliyadda ka dhalanaysa soo tebinta warka marka loolanka doorashada lagu jiro iyo sida loo doonayo in ay u maddax banaanaato warbaahinta. “ Musharax kasta waa in uu warbaahinta u helaa fursad si uu halkaasi ooga jeediyo loolankiisa ku aadan doorashada- war baahintana waxaa ka midnoqonaysa tan ay leedahay Dowladda. Wariyayaasha waa in ay maddax banaanaadan si ay u soo tebiyaan geedi socodka doorashadda sida ay haddaba u sootebiyaan oo kale’ ayuu yiri Muddane Kay.

‘Qaramada Midoobay waxay si hoose ula socon doontaa habka doorashadda. Waxayna ku dedaali doontaa sidii lagu heli lahaa doorasho xaq iyo xorba ah oo ay nabadi ku dheehantahy.’

Isha Ku Ha Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com