Netherland: Haweenay Toban sano ka hor dhimatay oo maanta Gurigeedii laga dhex helay

0

animaatjes-rotterdam-94936Rotteterdam(AGGM) Magaalada Rotterdam ee Dalka Netherlands ayaa waxaa laga helay meydka  haweeney da, ah oo muddo lagu qiyaasay 10 sano ka hor ku dhex dhimtay gurigeeda iyadoo aanan laga war heyn.

Talifishinka Nos oo baahiyey warkan ayaa la hadlay dariska haweeneyda la helay iyadoo mayd ah oo u sheegay in aysan muddo arag oo ay u haysteen in ay ka guurtay guriga hase ahaatee ay ku baraarugeen markii boolisku jebiyeen guriga oo hakaasi ay ugu tageen qalfoof kasoo haray jirkii haweeneyda.

shaqaale kuwa dhismaha ah oo in mudo ah doonayey in ay wax kasameeyaan guriga ayaa u sheegay booliska markii ay waayeen wax ka fura iyadoo boolisku jibiyeen guriga albaabkiisa.

boliska ayaa sheegay haweeneydaan oo 74 sano jira ay u dhimatay si caadi ah waxayna u muuqataa in ay dhimatay toban sano ka horsida ka muuqata waraaqaha boostada ah ee aanan fureyn ama aysan furan.

afhayeen u hadlay booliska ayaa sheegay in ay baadhayaan qaabka ay u dhacday in muddo intaa leeg la ogaan waayo dhimashada haweeneyda mana jirin qof tabey oo soo raadiyey oo qaraabadeeda ah ama dadka kale intaba ayey yidhaahdeen.

waxaa la yaab leh in markii ay dhimatay oo aheyd 2003 dii sida laga ogaaday waraaqaha aysan furin illaa hada si toos ah loogu diraayay dhaqaalaha dowlada ay ka helaysay ee kirada guriga,korontada iyo nolosheedaba.

Nin ku nool guriga ka hooseeya oo la hadlay TV Nos ayaa sheegay in uu ka naxay in uu ku hoos noolaa mayd muddo tobansano ah oo warna uusan u haynin.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com