Maanta Oo Lagu Wado In La Iclaamiyo Xilliga Laga Doodayo Muranka Madaxda Dalka

0

saacid - xasan sheekhMuqdisho(AGGM)Gudoomooyiaha  Baarlamaanka Soomaaliya iyo 15-ka Gudiyada joogtada ee baarlamaanka ayaa maanta isugu imaanaya, kaasoo ay kaga hadlayaan falanqeynta ajandaha baarlamaanka kaga doodayaan kulankooda ugu soo horeeya, iyagoo ku dhawaaqaya waqtiga ay isugu imaanayaan mudanayaasha.

Kulankan ayaa waxaa Gudiyada kaga hadlayaan mooshinka laga keenay Ra’iisul Wasaaraha ee ah kalsooni kala noqosho, waxaana Gudoonka uu shaacinayaa waqtiga laga doodayo mooshinka.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Prof. Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari) oo shalay dalka dib ugu soo laabtay ayaa Gudiyada joogtada ee baarlamaanka kala hadlaya dejinta ajandaha ugu soo horeeya baarlamaanka oo noqonaya mid lagaga dooda mooshinka loo soo gudbiyay.

Wararka ayaa sheegaya in maalinta berri oo Axad ah laga yaabo in Baarlamaanka kulan ka yeesho mooshinka, iyadoo xubnaha baarlamaanka loogu qeybin doono mooshinka ka dhanka ah Ra’iisul Wasaaraha. Sida uu qabo xeer hoosaadka Gudoonka baarlamaanka ayaa heysan kara shan maalmood hadii mooshin loo soo gudbiyo, isla markaana maalinta lixaad ay tahay in la horkeeno Baarlamaanka, loogana doodo.

Khamiistii la soo dhaafay ayay aheyd markii mooshin ay ku saxiixnaayeen ilaa 50-xildhibaan loo gudbiyay Gudoonka Baarlamaanka, kaasoo ka dhan ah Ra’iisul Wasaare Cabdi Faarax Shirdoon,kuwaasi oo lacago laaluush ah ka qaatey koox diimeedka daamul jadiid ee waqtigoodu dhamaday.

Ugu dambeyntii baarlamaanka Soomaaliya ayaa la filayaa inuu go’aan ka gaaro khilaafka Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha oo labadii todobaad ee u dambeeyay sii xoogeystay, iyadoo labada mas’uul ay wadeen kulamo xoogan oo ay ku kala jiidanayeen Xildhibaanada baarlamaanka.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com