Foolxumada Xamar Taal & Ku Ciyaaridda Magaca Dawladnimo. W/Q C/Raxmaan Cilmi Xaashi.

0

damu-jadiid7Maalmahan warka ugu xiisaha badan Soomaaliya waa casilaadda wasiirka 1aad.Ilaa iyo 1990-kii dawlado- ku- sheeggii na soo marayey caado ayey u noqotay in madaxweyne ku sheeggu sannad ka dib casilo raiisul wasaare ku sheegga isagoo adeegsanaya baarlamaan kusheeg.

Lagama xishoodo waxaas,hab cusubna lalama yimaado.Looma aabbadayo xeer qaran iyo awood qaybsiga shardiga u ah dawladnimo.Ilaa maalintii la doortay Madaxweyne Xasan,dhammaan shaqooyinkii qaran lahaan jiray keligiis baa qabanayey.

Ha ahaato mid fulineed,garsoor iyo baarlamaanba.Dhammaan wasiirada shaqadooda isagaa hayey,bankiga dhexe sidoo kale.

Hadda waxaa la galay xilligii casilidda wasiirka 1aad,sababtuna waxaad mooddaa inay tahay madaxweynaha oo arkooday nin Saacid ka sheeko macaan oo ka qosliya. Saacid madaxweynaha wax kasta ayuu uga haray,una daayay.Haddaba maxay tahay sababta loo nacay?

Labaatan sano ayay soomaalidu ku caan baxday qas,burbur,musuqmaasuq iyo wax kasta oo liita.Ummadda soomaaliyeed oo ka dheregtey dacdarro iyo hoggaan xumo,hadba rajo cusub ayaa la geliyaa markii 4 sano la joogaba.

Waxaan kororsannaa dagaal-ooge cusub oo tafaha ka buuxsada wixii masaakiinta soomaaliyeed loogu deeqay.Waayahan waxaa la fahmay in magac diimeed lagu qaraabto oo dagaaloogeyaashu la baxaan shiikh,shariif ikhwaan iwm.

Cudurka dalkeenna haya ee qarannimo ka hor joogaa waa musuqmaasuqa.Wax kale ma aha,dadka soomaaliyeedna weligood aqbali mayaan inay hoos tagaan dawlad ay u arkaan inaysan musuqmaasuqa ka xishoonayn.

Taas waa in la fahmaa.Maxay u aqbalayaan inay hoos tagaan madax u dhaqmaysa sidatan?Maxay u ixtiraamayaan baarlamaan boqollaal caadaqaate ka dhex qaylinayso?

Xaggee lagu arkay baarlamaan sharciga jebintiisa shaqadiisu tahay.

Baarlamaanku waxay ahayd inuu la xisaabtamo awoodaha fulinta,ilaalinta sharciga iyo ilaalinta qarannimada ummadda.

Haddii madaxweynuhu casili karo raiisul wasaaraha markuu rabo, maxaa haddaa lagu falayaa raiisulwasaare? Sow macnaheedu maaha madaxwenuhu isagaa raiisulwasaarena ah?

Baarlamaanku ma xoghayaha madaxweynahaa,oo markuu yiraahdo qof shaqada ha laga eryo daabaca warqadda casilaadda?

Anigu run ahaantii ma kala jecli in raiisulwasaaraha la eryo iyo in kale.

Waxaan jeclaan lahaa waxa dawladda lagu sheegayo oo dhan in la kala dareersho,laakin yaqyaqsiga caadada laga dhigtay oo aan la qarsanayn ayaan aad uga xumaaday oo igu kalliftay inaan laba eray ka dhaho ceebtan.

Dadka soomaaliyeed waa inay tashadaan oo aan la aqbalin dawlad-ku-sheeg dambe oo gacan ku rimis ah.Midda hadda joogtana afartooda sano waxay uruursan karaan ha uruursadaan,illeyn hammigoodu intaas ma dhaafsanee…

Waxaanse qabaa weli rajo ah in mar uun dadka soomaaliyeed heli doonaan hoggaamiye in kastoo ay hadda indho xun tahay.

Waxaase la yiri habeenku wuxuu ugu madow badan yahay wax yar ka hor intaan waagu soo iftiimin.

CabdiRaxmaan Cilmi Xaashi
Abdirahman.Elmi.Hashi@sshf.no
Nofeembar 23 2013

Fiiro Gaar Ah: Qoraalkan Waa Fikirka Qoraaga, Marnaba Kama Turjumayo Fikirka Shabakada Allgalgaduud Media, Fadlan Waxii Amaan Amaba Dhaliil Ah kala xiriir Qoraaga. Email. abdirahman.Elmi.Hashi@sshf.no

Isha Ku Ha Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com