Fariin Muhiim Ah Oo Ku Socota Madaxwaynaha & Barlamaanka JFS.

0

XASAN SHEEKHUgu horaynta,si wayn ayaanu uga xunahay khilaafaadka iyo colaadaha aan dhammaadka lahayn oo ragaadiyey ummadda soomaaliyeed,waxaanna u aragnaa nasiib-darro balaaran oo shacabka soomaaliyeed maalin walba mugdi cusub sii galinaysa,aakhirkana laga yaabo in dalka oo dhan ba sidaas lagula wareego,waayo, haddii aynaan tashan- karin,heshiin- karin ,midoobi-karin iwm,dad kale ayaa inoo talin-doona,sidaas darteedna, waxaan ka codsanaynaa qaybaha xukuumadda Federaalka ah inay u istaagaan badbaadinta xukuumadda ay madaxda ka yihiin,kana koraan,iskalana waynaadaan daynaysi iyo kooxaysi gaar ah ,oo aansoo kordhinayn waxaan ceeb, burbur iyo cadaab ka ahyn,si gaar ahna, waxaannu u xusuusinaynaa Madaxwayne Xasan shiikh Maxamuud,in maanta ummadda somaalieed iyo aduunkuba ay daawanayaan dhaqanka ka jira madaxtooyadii Soomaaliya oo hal-sano ka hor Sacabka iyo ubaxa laguugu soo galbiyey.Mudane , khaladaadka aad galaysaa,waa kuwo aad uga hooseeya mas’uuliyadda ku saran, Rabbina waa kugu daawanayaa,khalaadkaasi waxay ceeb ku yihiin Dhaqankeena, Diinteena iyo Mansabka aad hayso oo ah Madaxwayne Ummadeed,waxayna dhiirigalinkaraan mar-kale boobkii, dilkii,kufsigii, iyo waliba ku biiritaanka Burcad-badeedda iyo Ururka mayalka adeg ee Al-shabaab,sidoo kalena,khaladaadka madaxtooyada ka socdaa waxay garsiin karaan kala-goitaanka iyo sii kala qaybsanka ummadda Soomaaliyeed ama beesha caalamka oo inka niyad-jabta,waayo waxaa muuqata inaad gacantaada ku dilayso wixii aad adigu doonaysay,oo ahaa ‘sharci iyo kala danbayn lagu gaaaro horumar iyo midnimo ummadeed’

Sidoo kale, Baarlamaanka waxaannu ka codsanaynaa inay ilaaliyaan sharafta iyo karaamada ummadda soomaaliyeed,kana dagaalamaan dhaawaca loo gaysanayo magacooda iyo magaca ummadda iyo kan Diitneena Islaamka,isla markaasna ay diidaan in qiimo lagu baayaco ‘Dawladnimada iyo qaranimada ummadda Soomaalieed’,waxaadna ogaataan in soomaaliya ay oolli doonto halkii aad maanta dhigtaan,oo laba midkooda ah:

1- Inaynu noqono dad is xukumi kara,sharciga u dhiganna raaci kara.

2- Ama qabaail aan is xukumi Karin. oo in loo taliyo u baahan.

Sidaas darteedna,haddii aad khilaafkaan lacag ku codaysaanna, waxaa la idiin aqoonsan doonaa Burcad-siyaasadeed waxaana la idiin bixin doonaa magayo cusub,sida Golaha Laaluushka iwm, ee sidaas ula socda,mudanayaal.

Ugu danbayntii, waxaan aad iyo ugu mahad celinayna Odayaasha,waxgaradka iyo Xildhibaanada Reer muqdisho oo aad isugu hawlay in si Dhaqan iyo Ehelnima ah ku xaliyaan khilaafkaas,Sidoo kale waxaan mahad wayn u celinaynaa maamuladii ,beelihii iyo shakhsiyaadkii dhinaca saxa ah iska taagay khilaafka madaxda Soomaaliya,gaar ahaan Maamul-goboleedka Puntland iyo inta kaleba,waxaanna ilaahay ka baryeeynaa inuu soomaaliya ka badbaadiyo muqdiga ay sii socoto.. Ilaahoow na ilaali—Amiin.

Waxgarad-Soomaaliyeed ee London uk

Cabdideq Shire Faarax
Mudane45@hotmail.co.uk

Isha Ku Ha Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com