Dowladda Masar Oo Ku Amartay Safiirka Turkiga Inuu Si Deg Deg Ah Dalkeeda Uga Baxo.

0

top-newsCairo (AGGM): Dowladda Masar ayaa u sheegtay Safiirka Turkiga ee u fadhiya Qaahira inuu isaga baxo, xilli labada dal xiriirka u dhaxeeya uu hoos u dhac weyn uu ku yimid.

Masar ayaa u yeeratay safiirkeeda u fadhiyay Turkiga, taasoo muujineysa in xiriirkii labada dal uu go’ay.

Wasaarada Arrimaha dibada Masar ayaa ku eedeysay Turkiga inay fara gelin ku heyso arrimaha gudaha ee dalka Masar.

Diblomaasi hoose oo u hadlay Turkiga ayaa xaqiijiyay in Masar ay u yeeratay Safiirkeeda u fadhiya Turkiga.

Turkiga ayaa horay u cambaareeyay tallaabadii Milateriga Masar uu xukunka uga tuuray Madaxweynihii sida dimoqraadiga loo soo doortay Mohammed Morsi.

Masar ayaa waxaa ka socday qalalaaso siyaasadeed iyo rabshado tan iyo markii xukunka laga tuuray Maxamed Mursi bishii July.

Kumanaan ruux oo ka tirsan ururka Ikhwaanul Muslimiimka ayaa xabsiga la dhigay, iyadoo dowladda KMG ku eedeeyay inay ku lug lahaayeen falal argagixiso.

Isha Ku Ha Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com