Dowladda Faransiiska Oo Sheegtay Inay Taageeri Doonto Dowladda Soomaaliya.

0

laurent-fabiusParis (AGGM): Dowlada Faransiiska oo balan qaaday inay taageero Caalami ah siin doonaan wadamo Soomaaliya ay ka mid tahay,waxaana arrintaasi ka hadlay wasiirka arimaha dibada dalka Faransiiska Laurent Fabius kaas oo ka hadlayay xaalada guud ee wadamada Qaarada Africa ku yaalla,wuxuuna sheegay in Soomaaliya uu ka soo gudubtay dhibaatooyin dhanka amaandarida ah iyo Bini-adanimada ku saleysan,isagoona sheegay in hada meeshii Soomaaliya ka soo gudubtay ku sii socdo wadanka Jamhuuriyada Africada dhexe oo Qarka u saaran sida uu sheegay in xasuuq uu dhaco.

Wuxuu sheegay Laurent Fabius in Dowlada Faransiiska qeyb ka Noqon doonto sidii nabad loogu raadin lahaa wadamada qalalaasaha ku raagay,wuxuuna carabka ku adkeeyay in marka Soomaaliya la eego ka howlgalaan Ciidamo ka socda wadamada dariska ah kuwaasi oo dedaal ugu jira sida uu yiri sidii Soomaaliya mar kale cagaheeda dib isu taagi lahayd.

Diblomaasiyiin ka tirsan Dowlada Faransiiska ayaa sheegay inay ka cabsi qabaan in dalka Jamhuuriyada Africada dhexe uu Noqdo wadan Fashilmay,sida dalka Soomaaliya oo kale dibna kaga soo baxaan Ururo Mintidiin ah,waa sida uu hadalka u dhigaye, Faransiiska ayaa balan qaaday in gacan ka geysanayaan sidii loo taageeri lahaa wadamada Qaarada Africa ku yaalla ee ay Soomaaliya ay ka mid tahay,waxayna horay u sheegeen inaysan ka marneyn Kaalmada Soomaaliya.

Isha Ku Ha Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com