Dadka isku soo baxay oo boorar wata ayaa qaar ka mida oo la hadlay saxaafada sheegaan in Madaxweynuhu siyaasada uu haantan ku shaqeynayo tahay mid dalka iyo dadka dib ugu celineysaa dagaalkii sokeeye 1991. Iyadoona xukuumadda Muqdisho inay dhibka iyo bahdilka ka daayaan shacabka ku dhaqan Gobalka Shabeeladda dhexe.
Nabadoon Mukhtaar Abuukar Xuseen oo ka mid ah Odayaasha deegaan ahaan ka soo jeeda Shabeelada dhexe isla markaasna mudaharaadka ka hadlay ayaa sheegay inay rajo xumo tahay in hubka dowladda lagu gumaado shacabka Gobalka Shabeelada dhexe, wuxuna ugu baaqay in shacabkaasi laga daayo dagaalka siyaasadaysan.
Beesha caalamka ayuu ugu baaqay inay wax ka qabtaan dagaalka ay dowladda Somalia ka bilowday Gobalka Shabeellada dhexe,wuxuna sheegay qabiilo gaar ah inay wadaan dhul balaarsi lagu hayo beelaha Gobalka dega.
Faadumo Maxamed Dalaash oo ka mid ah Hooyooyinkii ka hadlay mudaharaadka ayaa sheegay inay saamayn xoogan ku yelatay haweenka fatahaada uu sameeyay Wabiga Shabelle kaasoo mudo saddex bilood oo xiriir ah kala gooyay isku socodka Muqdisho iyo Jowhar,waxayna sheegtay haweenka in loo gaysanayo kufsi iyo dilal ka dhan ah aadanaha.
Dowladda Somalia ayay sheegtay inay kala noqdeen kalsoonidii ay u hayeen,maadama aysan waxqabad la taaban karo aysan ka hirgalin Gobalka Shabelleda dhexe.
Xaaji Muuse Cismaan Caray oo ka mid ah dadka soo qaban qaabiyay isku soo baxay ayaa sheegay dagaaladii ugu danbeeyay ee ka dhacay Gobalka Shabelleda dhexe inay ka danbeeyaan dowlada dhexe ee dalka,aysan taasi tahay mid aan loo adkaysan karin.