Ambassador Amerika Iyo Xubno La Socda Oo Booqday Xeryaha Dhadhaab(Sawiro)

0

sawir2Xagardheer(AGGM)Wafdi uu hogaaminayo danjiraha dowladda Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya Mudane Maxamed Cali Nuur Ameeriko ayaa gaaray xerada qaxootiga Dhadhaab ee dalka Kenya.

Wafdiga Safiirka uu hogaaminayey ayaa waxaa ka mid ah Gudoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayasha(IDPS) ee dowlada federaalka soomaaliya Mudane Axmed Daahir Cabdikarim Nuur,Getalo oo ah madaxa laanta arimaha qaxootiga ee dalkani kenya,rauuf madaxa hayada UNHCR ee dalka Kenya, haweeneyda ku xigeenka ah madaxa UNHCR ee soomaaliya,Rufaaci oo matalayay gobalada jubooyinka iyo Dr Abukar oo matalayay gobalka Baay.

Wafdigan ayaa socdaalka ay ku tageen xerada Dhadhaab waxa ay ugu kuur galayeen sida loo bilaabi karo dib u celinta Qaxootiga Soomaalida ah ee ku nool xerada Dhadhaab,sidoo kalena Wafdigan waxay booqasho ku tageen xerada qaxootiga ee ifo 2 oo ka mid ah xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab kadib waxay dhamaan horjoogayaasha xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab kulan saacado qaatay kula yeesheen xafiiska hayada UNHCR ayadoo kulankan  looga hadlay arimaha dib u celinta qaxootiga soomaaliyeed ee ku dhaqan xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab.

Ugu dambeyntii wefdigan ayaa maalinta bari ah dib ugu soo noqonayaan xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab iyagoo la socda wasiirka arimaha gudaha iyo amniga ee dalka Kenya josef ole lenku boqashana ku mari doonaan dhamaan xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab lana kulmi doonaan bulshada ku dhaqan xeryaha qeybahooda kala duwan.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com

sawir1sawir2sawir3sawir3 sawir4sawir5sawir7sawir6