Falaagada Al Shabab Oo Xabsiga U Taxaabay Horjooge Kabakutukade.

0

al shabaabMuqdisho (AGGM): Warar ay Qoreen Warbaahinta ku hadla afka falaagada Al-shabaab ayaa lagu sheegaya in Ciidamo ka amar qaata Horjoogaha guud ee falaagada Al Shabaab Axmed Godane ay Xireen Gudoomiyhihii Gobolka Shabeelaha Dhexe ee Al-shabaab Yuusuf Ciise Kabakutukade.

Xariga Kabakutukade ayaa waxaa lagu shaaciyey qaar kamid ah Websetyada Al-shaab waxaana la sheegay in sidoo kale lala Xiray Horjoogeyaal kale oo la socday.

Wararka waxa ay sheegayaan in aan la ogeen u jeedka Xariga Yuusuf Ciise Kabakutukade,laakiin uu u yeeray Axmed Godane si ay oga qeyb galaan Siminaar Diini ah lagu wacyi galinayo Al-shabaab kadibna uu Xabsiga dhigay.

Xariga Yuusuf Ciise ayaa waxaa lagu ogaaday kadib markii uu sida la sheegay uu la soo xariiray Ilaaladisa islamarkaana uu ku wargaliyey in la xiray Hubkii iyo Taleefanadiina laga qaatay,inkastoo aan la ogen Goobta lagu xiray.

Marar farabadan ayaa horjoogaha guud ee falaagada Al-shabaab waxa uu dil iyo Xarigba u geystay Horjoogeyaal sar sare oo ka tirsanaa falaagada Al Shabaab.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com