Ergayga QM Ee Soomaaliya Nicholas Kay Oo Digniin Ka Soo Saaray Xariga Gabar La Kufsaday Iyo Wariye Lagu Xirray Muqdisho.

0

Nicholas-Kay.Muqdisho (AGGM): Wakiilka gaar ah ee QM u qaabilsan arrimaha Soomaaliya ayaa uga digay dowladda Soomaaliya xiriga ay kula kacday gabar Soomaaliyeed oo sheegatay in uu kufsaday mid ka mid ah wariyayaasha ka howlgala magaalada Muqdisho iyo waliba wariyihii wareystay gabadha.

Iaga oo sheegay Nicholas Kay magaalada Gaalkacyo ayuu uga digay dowladda Soomaaliya xariga loo gaystay gabadhaas la kufsaday, isagoo xusay in muhiim ay tahay baaritaan ku aaddan sida ay wax u dhaceen oo la sameeyo.

“Qaramada Midoobay waxey ka fiirsanaysaa oo ay baaraysa eedaymaha la xiriira kufsiga cusub ee Muqdisho laga soo sheegay annaga oo arintan in badan ka digayana”ayuu yiri Nicolos Key oo nasiib darro ku tilmaamay sida dowladda ay ula dhaqantay gabadhaas dhibnaha ah.

Waxa kaloo Kay uu si gaar ah uga hadlay xoriyadda saxaafadda Soomaaliya oo uu sheegay in ay u tahay lagama maar-maan wada shaqaynta dowladda iyo saxafiga ,isla markaana loo baahanyahay in la dhowro.

“Mid ka mid ah raggii i kufsaday ayaa iigu hanjabay baskoolad uu watay, isagoo si xoog ah iigu kaxaystay qol cidla ah, waana ay i kufsadeen marar kala duwan, iyagao bur-buriyay sumcadaydi gabarnimo,” ayay tiri gabadhan la kufsaday ka hor inta aysan xirin ciidamada dowladda.

Afhayeenka madaxtooyada dowladda C/raxmaan Cumar Cismaan (Yarisow) oo isna arintan ka hadlay ayaa sheegay in xiligan su’aallo la weydiinayo labada ruux ee ciidamadu ay xireen ,isla markaana dowladdu ay ilaalinayso xoriyadda saxaafadda Soomaaliya.

“Wariyayaashu shaqo muhiim ah ayey qabtaan ,waxaana doonaynaa in howlahood ay u gutaan bilaa cabsi “ayuu yiri Abdirahman Omar oo xusay in dastuurka dalka ku qorantahay ilaalinta xoriyadda saxaafadda.

Dhinaca kale hayadda xaquuqul insaanka difaacda ee Human Rights Watch (HRW) ayaa dowladda Soomaaliya ku eedaysay in kiisaska noocaan oo kale ah aan loo baarin sidii loogu tala-galay ,isla markaana sheegtay in Muqdisho ay aad ugu soo badanayaan kufsiga lagu hayo dumarka gaar ahaan kuwa barakacayaasha ah.

Ugu danbayntii hadalka ka soo baxay Niclos key ayaa u muuqday mid dowladda Soomaliya looga dalbanayo in xoriyadooda ay dib u helaan gabadhaas iyo waliba wariyaha waraystay oo maalintii labaad u xiran ciidamada dowladda ka dib markii waraysiga gabadha laga qaaday uu ku faafay barta internetka ee Youtub-ka .

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com