Dhageyso: Xildhibano Gaashaanka Ku Dhuftay Moshinka Xukuumada R/Wasaare Saacid.

0

Xildhibaan-JeesowMuqdisho (AGGM): Xildhibaan Daahir Amiin Jeesoow, oo ah mudane ka tirsanbaarlamaanka Somalia ayaa Si Adag uga Hadlay mooshin ka dhan ah ra’isul wasaaraha oo qaar ka mid ah xildhibaanada ay u gudbiyeen gudoonka Sare ee baarlamaanka .

Wuxuu sheeegay in xilligan baarlamaanka Somalia ay ku horgudban yihiin howlo badan oo ay ka mid yihin xalinta khilaafka madaxda sare ee dalka , waxaana uu tilmaamay in xildhibaanadu xal laga doonayo iyaga balse aan loo baahneyn inay iyagu xiisada sii kiciyaan .

Daahir Amiin Jeesoow, Wuxuu sheegay in xildhibaanada baarlmaanka Somaliaay yihin kuwa xalka laga sugayo xilligana ay qalad tahay mooshinka ay ka keeneen Xukuumada Somalia taasina ay muujineyso inay garab gooni ah libinta siinayaan Mudanayaal ka tirsan baarlamaanka Somalia oo gaaraya ilaa 168 mudane ayaa shaaly gudoonka Sare ee baarlamaanka u gudbiyay Mooshin ka dhan ah xukuumada Somalia, “war adeeroow waa been waxaas majiraan xildhibaano intaas gaaraya oo mooshin keenay, aniga maanta waxaan isku meel ku qadeenay 80 xildhibaan oo doonaya inay dhex dhexaad ka ahaadaan Khilaafka, magacoodana la yiraahdo Hiil Dastuur”.

Khadiijo Maxamed Diiriye, oo kamid ah xildhibaanada lacagta ka qaatay  Madaxweynaha islamarkaana u ololeenaya Mooshinka uu doonayo Madaxweynaha Soomaaliya in laga gudbiyo Xukuumada R/wasaare Saacid ayaa sheegtay in xukuumada Somalia ay ku dhaliilayaan waxqabad la’aan mudadii ay jirtay ah .

Su’aasha ugu badan dadkun ay is weydiinayaan ayaa ah waxa xilligan mooshinka kusoo beegay iyadoo uu wali jiro khilaafka madaxweynaha Somalia iyo ra’isul wasaraha .

Warar si hoose aanu ku helnay ayaa waxa ay sheegayaan in mooshinkan ay ka dambeeyaan soona abaabuleen madaxweynaha Soomaaliya, gudoomiye ku xigeenka baarlamaanka Mahad Cabddala Cawad iyo urur diimeedka Damu Jadiid .

Halkaan Hoose Ka Dhagayso Xildhibaan Jeesow

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com