Dhageyso: Siyaasi Cabdiqaadir Maxamed Axmed “Dowladda Siyaasada Gudaha Iyo Dibeddaba Waa Ku Fashilantay”.

0

top-newsMuqdisho (AGGM): Cabdiqaadir Maxamed Axmed oo Khabiir Dhanka Arimaha Siyaasada Ah oo u waramay Idaacada VOA ayaa Wuxuu Ka hadlay Arimo Badan oo Xasasi Ah kuwaasi oo Quseeya Xaalada Dalka Soomaliya.

Cabdiqaadir Maxamed ayaa ugu Horayn wuxuu Sheegay inay Mooshinka Dabada Ka Riixayaan Xildhibaano uu Wato Madxawayne Xasan Sheekh Kuwaasi oo Doonaya Inay Saacid Booska ka Tuuraan.

Wuxuu Dhinaca kale Sheegay In Dawlada Xasan Sheekh Ay Guud Ahaanba Fashilantay Umada Soomaaliyeed waxii Ay Sugayeen Ay Dayacan tahay.

Sidoo kale Wuxuu Sheegay In Maamulada Puntland iyo Somaliland Ay Dawlada Xasan Sheekh ula dhaqmayso Sidii Dawlado kale oo Ka Jira Dalka.

Ugu Danbaynta ayaa Wuxuu Weerar ku Qaaday Heshiiskii Dawladu Ay La gashay Maamulka Juba, Wuxuuna Sheegay Inaysan Jirin meel uu Axmed Madoobe kataliyo, Kenya ayaana ku ilaalisa Kismaayo.

Halkan Hoose Ka Dhageyso Siyaasi Cabdulqaadir

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com