Daawo Sawirada: Dhalinyarada Badbaado Qaran Oo Kulan Ay Isugu Yimadeen Magaalada Muqdisho Uga Hadlay Khilaafka U Dhaxeeya Madaxda Qaranka.

0

20131122_122518Muqdisho (AGGM): Kulan ay maanta ku yeesheen magaalada Muqdisho qaar kamid ah dhalinyarada Soomaaliyeed ee wax ka barata Jaamacadaha ku yaala Muqdisho ayay uga hadleen Khilaafka u dhexeeya masuuliyiinta sare ee dowladda FS waxaana ay baaq u direen dhinacyada Khilaafku u dhexeeyo dhamaantood.

Furitaankii kulanka ayaa waxaa Khudbado ka jeediyay qaar kamid ah dhalinyaradii Ka qayb galay waxayna ka codsadeen masuuliyiinta sare ee dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya inay xaliyaan Khilaafka u dhexeeya waqtigana Soomaaliya aysan u baahnayn Khilaaf madaxeed.

“Waxaan manta halkaan uga hadlaynaa dareenkeena ku aadan Khilaafka u dhexeeya madaxdeena dowladda, hadii aan nahay Ardayda iyo dhalinyarada Soomaaliyeed waxaan aad u jeclaan lahayn in is qabqabsiga Soomaalida ka dhaxaysa ama dowladeena ka dhaxaya soo idlaado” ayuu yiri Mid kamid ah ardaydii kulanka ka qayb galay.

Jamaal C/rixmaan oo isna kamid ah dhalinyarada Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Muqdisho oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay inay iskugu yimaadeen kulanka maanta sidii ay baaq uga soo saari lahaayeen khilaafka ka taagan Masuuliyiinta sare ee dowladda Soomaaliya.

“Marka la fiiriyo Taariikh ahaan ummada Soomaaliyeed waxay ku dhisantahay waa dhalinyaro waxaan ognahay in xoriyadii Soomaaliya halgankeedii qayb ka qaateen dhalinyaradii Soomaaliyeed ee waqtigaasi, dhibaato walba oo dhacda waxay saamaysaa dhalinyarada sababtoo ah waa dad u nugul dhbaato walba oo dhacda” ayuu yiri Jamaal.

Jamaal ayaa xusay mudadii burburka dalku ku jiray dhibaatooyin kala duwan in lasoo maray balse dadka Soomaaliyeed ay waqtigan sugayeen horumar iyo Nabad galyo ay ku ilaawaan dhibaatadii ay soo mareen..

Nafiso Xasan oo kamid ahayd dadkii ka qayb galay Kulankii maanta oo hadal jeedisay ayaa ka codsatay Madaxda sare ee dowladda inay iska daayaan khilaafka isla markaana ay ka shaqeeyaan sidii dalka horumarka u gaarsiin lahaayeen , iyadoona geesta kale xustay dhibaatooyin inay haystaan dhalinyarada Soomaaliyeed dowladana laga sugayo inay qayb ka qaadato dhibaatada haysata dhalinyarada sidii wax looga qaban lahaa.

C/laahi Maxamed Maxamuud oo isna ku hadlayay magaca Dhalinyarada Soomaaliyeed ayaa wuxuu tilmaamay kulanka ay yeeshen maanta dhalinyarada Badbaado Qaran inuu yahay mid baaq loogu jeedinayo Hogaanka sare ee dalka loogana codsanayo inay ka fogaadaan Khilaafka.

Wuxuu ka dalbaday dhalinyarada kale ee Soomaaliyeed inaysan ka aamusin arintaan isla markaana ay Madaxda dowladda u sheegaan inaan loo dul qaadan Karin khilaaf cusub.

Kulanka ay maanta magaalada Muqdisho ku yeesheen dhalinyarada Soomaaliyeed ee badbaado Qaran ayaa qayb ka noqonaya baaqyo isdaba joog ah oo madaxda dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya looga dalbanayo inay xaliyaan khilaafka dhexdooda ah.

20131122_124200 20131122_124002 20131122_123508 20131122_123055 20131122_122548 20131122_122518 20131122_123334 20131122_122456

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com