Baarlamaanka Soomaaliya Qaab Noocee Ah Ayuu Uwajahaya Khilaafka Dastuuriga Ah Udhexeeya Madaxweynaha Iyo Raysalwasaaraha Soomaaliya. W/Q. Dr Dahir Nur Jama ( Dr Truman)

0

damu-jadiid7Marka uu yimaado muran ama is maandhaaf dastuuri ah islamarkaana yahay khilaaf u dhexeeya masuuliyiinta sare ee dowladda, yaa awood dastuuri ah u leh inuu xal ka gaaro?

Sida dastuurka Federalka ee soomaaliya uu dhigayo,arrimaha ku saabsan muran dastuuri ah waxaa xal ka gaaraya “Maxkamadda Dastuuriga ah” Constitutional Court”, waqtiga hadda la joogo soomaaliya kama jirto Maxkamad Dastuuri ah, micnaha weli lama sameyn. Sidaa awgeed maadama aysan jirin maxkamaddii laheyd hawlaha ku saabsan muran dastuuri ah,hadda waxaa taagan khilaaf xoogaan una dhexeeya madaxda sare ee dowladda soomaaliya,su’aasha la isweydiin karo meeshana ku jirta waxaay tahay cidda geli karta kaalintii ay laheyd “maxkamadda Dastuuriga ah”. Markii sharci ahaan loo eego waa baarlmaanka soomaaliya.

Baarlamaanku habkee ku xallinayaa khilaafka dastuuriga ah, maadama aysan aheyn shaqo uu lahaa laakiin aan ka fursaneyn asagu inuu xalliyo khilaafka dastuuriga ah,ma Motion buu ka keenayaa, ma qaab garsoor buu u xalinayaa? Su’aasha kale ayaa waxaay tahay Baarlamaanku ma keeni karaa”Motion” ka dhan ah hal dhinac oo ka mid ah dhinactada is haya isla markaana isku haya khilaaf dastuuri ah?. Haddiise Baarlamaanku keeno Motion ka dhan ah Xukuumadda federalka ah ee Raysalwasaare Saacid,ma yahay mid waafaqsan dastuurka dalku leeyahay qaas ahaan dastuurka soomaaliya, xeer hoosaadka baarlamaanka , dhammaan su’aalahaas jawaabtu waxaa waaye waa wax aan sal iyo raad ku laheyn dastuurka waana wax xad gudub ku ah dastuurka “Unconstitutional”.

Arrinta kaliya ee u furan baarlamaanka waxaa waaye in marka hore guddi loo saaro ka soo baara arrimaha la isku hayo, sida ay dastuurka ugu lug leeyihiin muranka ka dhex jira masuuliyiinta sare, qaas ahaanna guddiga ku shaqada leh arrimaha dastuurka, ka dibna war bixinta loo soo celiyo guddoonka baarlamaanka, haddii markaas loo baahdo in la hor geeyo Baarlamaanka, waa in dadka uu u dhexeeyo muranka dastuuriga ah in midba fekerkiisa ka hor sheego xubnaha baarlamaanka hortooda iyo waxa la isku hayo, ka dibna uu baarlamaanku cod u qaado iney tahay arrin waafaqsan dastuurka in madaxweynuhu xaquuq dastuuri ah u leeyahay inuu xilka ka qaado Prime-Ministerka,iyadoo loo eegayo dastuurka uu dalku leeyahay gaar ahaan qodobka 90 aad ee dastuurka qabyo qoraalka ah ahna awoodaha dastuuriga ah ee la isku hayo, sidoo kale qodobka 100aad,tilmaamaya awoodda dastuuriga ee uu leeyahay Raysalwasaaraha.

Intaas ka dib si kasta loo fekero baarlmaanku haddii motion ka keeno xukuumadda Raysalwasaaraha Saacid waa mid aan sharci ka turjumeyn waana fowdo iyo dastuurkii oo si toos ah loogu tumanayo welibana kuwii ilaalin lahaa iney sidaa u bareeraan iney ku xadgudbaan dastuurka.Haddii nadaamkii dowladnimo iyo dastuurkii dalka u yaalay loo fahmay iney tahay micnaha “gacantaa ii taagneyd” micnaha mar hore baa motion noo taagnaa,haddana asagii baa noo taagan waa wax marna laga xumaado in heerkaas u fekeraan dadkii kitaabka ku dhaartay,masuuliyadna u qaaday shacabka soomaaliyeed una dhaartay iney u hiilinayaan ummadda soomaaliyeed iyo ku dhaqanka sharuucda dalka iyo dastuurkaba ,laakiin waxaa muuqata iney u badan yihiin kuwo u xamaalanaya cashooda oo kaliya.

Motion waqtigaan uu jiro khilaaf dastuuri ah waa mid ah fadeexad”scandal” taariikhda ayaana xusi doonto, haddii boqol iska daaye ay wada saxiixaan motion 275 xubnood uu ka kooban yahay waa mid aan dastuurka iyo xeer hoosaadka baarlamaanka aan waafaqsaneyn. Arrintu ma ahan baarlmaanku motion ma keeni karo, baarlamaanku asagaa ayaa xaquuq u leh la xisaabtanka xukuumadda, laakiin hadda in hal dhinac oo ka mid ah dhinacyadii khilaafku ka dhexeeyey u isticmaalo ku danyesi si uu uga guuleysto dhinaca ka soo horjeeda, taas m keeneyso guul ee waxaay keeneysaa ceeb iyo fool xumo weyn, waayo lama dhex gelin karo muanka dastuuriga ah ee jira motion aan waafaqsaneyn dastuurka iyo xeer hoosaadka baarlamaanka. Haddii ay jiri laheyd maxkamaddii dastuuriga aheyd ma waxaa lagu doodi lahaa motion baa gacantu noogu taagneyd, sidaa awgeed kaalinta baarlamaanka kaga habboon muranka dastuuriga ah waa qaab garsoor, oo ah yaa ku xad gudbey dastuurkii,sidaa awgeed waa in laga qabta cidda sida toos ka ah ugu xad gudbeysa dastuurka.

Haddii aan expert jurist ka dhigano sida Xildhibaan Xoosh Jabriil>> barnaamij todobaadle ah oo ka baxayey laanta afka soomaaliga ee voice of America waxaa xoosh hadaladiisii ka mid ahaa ” dastuurka qabyo qoraalka ah waa dastuurkii aasaasiga ahaa” awoodaha uu siinayo Raysalwasaaraha waa Raysalwasaare la soo doortey, micnaha dastuurkaan hadda jira haddii uusan quseyn Raysalwasaare Saacid, waxaa imaanaya su’aalo badan oo loo baahan yahay inuu xildhimaan xoosh jabriil ka jawaabo,tusaale haddii dastuurkan awoodaha uu siinayo Prime Ministerka, waddanka waqtigaan xaadirka ma dastuur kale baa jira ay dowladda soomaaliya ku dhaqanto, maxaa ka reebey Raysalwasaare Saacid inuu isticmaalo awoodaha uu siinayo dastuurku, Heydaha kale sida baarlmaanka, ama madaweynaha sababta dastuurka marka laga hadlaayo uu u siiyey xaquuq dastuuri ah, laakiin primeministerka looguma tala gelin dastuurkaan! “it’s very ridiculous” dadka noocaas ah baa u ah indho iyo aqoon waana mid u horseedeysa fadeexad, waana duuban yahay hadalka Xoosh Jbariil marka uu sidaa u hadlaayo,asagoo ka hadlaya khilaafka madaxweynaha iyo raysalwasaaraha.
WQ By Dr Dahir Nur Jama ( Dr Truman)
jama191@hotmail.co.uk

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com