Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Kubad Iska Ciyaaraya Iyadoo Gobolada Sh/Hoose Iyo Sh/Dhexe Ay Ka Socdaan Xasuuq.

0

xasan kubad2Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta waxaa uu ka
qeybgalay cayaarta kubadda cagta ah oo dhex martay kooxaha LL.PP Jeenyo iyo Elman oo ka ciyaara horyaalka heerka
koowaad ee dalkeena.

Madaxweynaha ayaa ugu horeeyn waxa uu ku wargaliyay madaxda kubada cagta ee Soomaaliya in ciyaarta dib loogu dhigo oo la qabto maalin kale, balse madaxda kubada cagta ayaa waxa ay ku wargaliyeen Madaxweynaha in aysan taasi suuragal ahayn sharciguna sidaa ahayn, Madaxweynaha ayaa waxa uu garoonka ciyaaraha soo gaaray goor ay qoraxda sii dhaceeysay saacadana lagu sheegay in ay ahayd 17.00 xiliga Soomaaliya, sidaa ayuuna ciyaarti ku furay Madaxweynaha.

Dhinaca kale waxaa dhamaan la wada ogsoon yahay in gobolada Shabeelaha Hoose iyo Dhexe ay ka socdaan dagaalo sokeeye iyo xasuuq ay ku le’edeen dad badan oo rayid ah taas oo uu madaxweynaha si aad ah uga gaabiyay kadib marki uu booqasho dhawaan ku tagay magaalada Jowhar kana soo laabtay isaga oo aan wax dhex dhexaadin ah kasoo dhex sameeyn beelaha ku dagaalamaya duleedka magaalada Jowhar, dagaaladaas oo sababay in la gubo tiro kor u dhaafeysa 10 tuulo.

Waxaa colaadaha sokeeye ee ka qarxay qaar kamid ah deegaanada gobolada Soomaaliya ugu dambeeyay deegaanka Numeber 50 dagaalada ka dhacayay maalmihi la soo dhaafay dadka deegaanka Number 50  ayaa waxa ay sheegeen in lagula dagaalamay hubkii dowladda laguna duqeeyay madaafiicda ay laheed dowladda Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa Qarax dad badan oo aan waxba galabsan ku hoobteen ayaa ka dhacay magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan Madaxweyne Xasan Sheekhna waa iska daasha daashoonayaa.

Haddaba soo lama oran karo amaba kuulama muuqan karto in Madaxweyne Xasan Sheekh uu iska daasha daashoonayo oo aysanba kulba ku hayn qatarta weeyn ee uu sii galayo dalka Soomaaliya iyo colaadaha sokeeye ee ka soo cusboonaaday qaar kamid ah gobolada dalka.

Sidoo kale waxaa gudaha magaalada Muqdisho ka socda olole xoogan oo uu Madaxweynaha ku doonayo in uu ku rido Xukuumada uu hogaamiyo R/wasaare Saacid, isagoo ku bixinaya Malaayiin doolar oo ay soo dhiibtay Dowladda Qatar, wakiilna ay uga yihiin Gudoomiye ku Xigeenka Baarlamaanka Mahad Cabdalla Cawad iyo Wasiirul Dowlahha Madaxtooyada amaba aan iraahdo’e Gudoomiyaha urur diimeedka Damu Jadiid Mr. Faarax Cabdulqaadir (Faarax Sakiin).

Malaayiintan doolar ee ay Madaxweynaha iyo Kooxdiisa Damu Jadiid ku bixinayaan si meesha looga saaro xukuumada uu hogaamiyo R/wasaare Saacid soo ma habooneen in ay siiyaan dadka ku waayay Naf, Maal iyo Duunyaba fatahaada webiga Shabeelle iyo dufaamaha ku dhuftay qaar kamid ah deegaanada gobolada dalka.

Qaar kamid ah Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa iyaguna ah kuwo aanba ku baraarugin xeelada cusub ee ay la soo baxeen urur diimeedka Damu Jadiid iyo Madaxweyne Xasan Sheekh balse waxa ay ku baraarugi doonaan marki mid mid Xildhibaan walba loo diro Gudiga Anshaxa Baarlamaanka si loogu badalo mid kaloo kasoo jeeda beeshiisa balse ka tirsan urur diimeedka Damul Jadiid.

Isku soo wada duuboo Walee Soomaali baan maanta garan halka ay u wadaan Madaxweyne Xasan Sheekh iyo urur diimeedkiisa Damu Jadiid balse subax kaleey Soomaali garan.

xasan kubad xasan kubad2

Maxamed Saciid Cumar
Nairobi, Kenya

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com