Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, Ma Waxaa Heysata Aqoondarro Xagga Sharuucda Iyo Dastuurka Dalku Leeyahay Mase Wuxuusan Aqoonsaneyn Inuu yahay Madaxweyne Sharfeed? W/Q.Dr Dahir Nur Jama ( Dr Truman)

0

XASAN SHEEKHSoomaaliya nadaamka ka jira waa Parliamentary System. Nadaamyada dowladuhu ku dhaqmaan waa kala duwan yihiin waxaa jira: presidential haddana kala ah laba qeybood oo kala duwan tusaale Mareykanku wuxuu dhaqmaa waa nadaam ah Full presidential waayo madaxweynaha ayaa ah madaxweynihii waddanka isla markaana ah madaxa xukuumadda federalka ah micnaha ma lahan Ra’iisulwasaare,laakiin wuxuu leeyahay madaxweyne ku xigeen, sidoo kale Faransiiska waxaa ka jira Semi-presidential waayo in kastoo madaxweynaha si toos ah dadweynuhu u soo doortaan haddana wuxuu leeyahay Ra’iisulwasaare micnaha waa ka duwan yahay nadaamka Mareykanka ka jira iyadoo labada waddanba si toos ah loo soo doorto madaxweynayaasha haddana midna waa full presidential midna waa Semi-presidential, inkastoo habka lagu soo doorto madaxweynaha Mareykanka uu ka duwan yahay ama ka adag yahay habka loo doorto madaxweynaha Fransiiska waayo Mareykanku waxaa ka jira wax la yiraahdo Electoral College,waxaa kale ku dhaqma nadaamka Semi-presidential waddanka Romania waayo madaxweynaha si toos ah baa loo soo doortaa haddana Ra’iisulwasaare ayuu leeyiahay.

Nadaamka kale ee jira waxaa waaye nadaamka ah Parliamentary waana midka ka jira soomaaliya in kastoo aanan aaminsaneyn in soomaaliya ka jiro nadaam sax ah oo la isku raacsan yahay taas oo keentayba inaan loo hoggaansamin sharuucda dalka u taalla iyo dastuurka dalku uu leeyahay.

Nadaamkan ah Parliamentary ee hadda soomaaliya sheegato inuu ka jiro, dowladaha ku dhaqma waa badan yihiin laakiin waxaan ka soo qaadanayaa in noogu filan tusaale cad oo la taaban karo,waxaana ka mid ah dowladahaas sida Talyaaniga,Itoobiya,Germany.

Marka aad fiiriso nadaamkaan Parliamentary-ga ah,madaxweynaha si toos ah looma soo doorto,baarlamaanka ayaa doorta madaxweynaha,ka dibna madaxweynaha ayaa soo magacaaba Ra’iisulwasaaraha wuxuuna horgeeyaa Baarlamaanka si ay u sii yaan kalsooni ama codka kalsoonida.

Sidaa awgeed seddexda heydadood ee dastuuriga ah waxaay kala leeyihiin awoodo kala cayiman waxaana lagu qeexaa dastuurka uu waddan kasta uu leeyahay.

Sidaa awgeed habdhaqanka ka jira soomaaliya nadaamka Parliamentary-ga ah inuusan xasan Sheikh fahansaneyn waayo wuxuu u dhaqmayaa sidii madaxweyne toos dadweynuhu u soo doorteen,wuxuuna si cad ugu xad gudbey dastuurka qabyo qoraalka ah ee dalku leeyahay waayo waddanka waxaa dastuur u ah kaas,mana jiro dastuur kale ama xeer kale oo waddanka u degsan,wuxuuna Xasan si aan gabasho laheyn faraha ugula jiraa hawlihii ay laheyd xukuumadda Federalka ah,taasna waa xadgudub weyn iyo dastuurkii dalka lahaa la iska laalay, una dhaqmayo sidii nin awood military ku qabsaday waddanka ama system ah full presidential. Waana arrinta muranka ka dhex abuurtey asaga iyo Ra’iisul wasaarihiisa Saacid.

Haddii aan dastuurka loo hoggaansamin ku dhaqankiisa waxaa imaaneysa fowdo iyo isku dhexyaac ku yimaada heydaha dastuuriga ah ee dowladda,waayo waxa lagu kala badbaado, dowladna ku shaqeyso waa ku dhaqanka dastuurka iyo sharuucda kale ee dalku leeyahay.

Waxaana ku waajib ah Xasan Sheikh inuu ka faa’iideysto habdhaqanka dowladaha sida soomaaliy oo kale leh system la mid ah kan soomaaliya isna weydiiyo, madaxweynayaasha dalalka Talyaaniga, Itoobiya, Jarmalka iyo kuwo kale oo badan inuu fahmo shaqooyinka ay u qabtaan wadamadooda.

Xasan wuxuu qaabilayaa shaqsiyaad ka socda heyado islamarkaana uusan protocol ahaan u laheyn inuu la kulmo waana dhibaato weyn taas,micnaha waxaay noqoneysaa aqoondarro huwan xukun jaceyl taasna waxaay ku qasabtay inuu qaabilo ama safar ugu baxo meelo aan munaasib ku aheyn waayo waa madaxweyne qaran.

Aqoon daradaas waxaay abuurtey in shacabka soomaaliyeed gudaha iyo dibeddaba niyaddii iyo hididiiladii gashay maantay Xasan wuxuu abuuray niyad jab weyn, islamarkaana waxaa meelo kala duwan gudaha iyo dibedda soomaaliya ka yimid Re-action xoog badan loona soo jeedinayo Xasan Sheikh dhaliilo iyo baaqyo loogu sheegayo inuu yahay shaqsi shalay qurux badnaa laakiin maantay aad u fool xun waayo nadaamkii iyo rajadii loo hayey dowladda soomaaliya si looga baxo hallaaga heysta shacabka soomaaliyeed, inuu yahay Xasan nin Isbaaro u dhigtey isla markaana hortaagan in horey loo socdo lagana baxo dullinimada heysta ummadda soomaaliyeed.

Sidaa awgeed sawirka Xasan Sheikh ma ahan mid la mid ah sawirkii shalay laga heystey waayo rajadii soomaaliya waxaa maantay ku gudban Isbaaro siyaasadeed oo uu la yimid xasan,taasoo ah “La Mood Noqonse Weydey” waxaan u garaney haddii Xasan Sheikh Cilmiga Social Science iyo hab cabbirka marka ay dhaliil timaaddo,micnaha qofka sawirkii shalay laga heystey uu la yimaado mid ka gedisan, dadku waxaay siiyaan abaalmarino qof walbana hab gooni ah buu ku muujiyaa sidaa awgeed markii aan dhageystey ama akhriyey fariimo siyaabo kala duwan loogu soo direy madaxweyne Xasan Sheikh waxaan u garanney inaan guddoonsiino Hadiyad aad iyo aad loo cilimeeyey isla markaana bixineysa xaqiiqo dhab ah. Waana tan naga guddoon Jaalle Madaxweyne.

Hadiyaddu waxaay tahay inaad sameysey qalad weyn kana gashay dastuurka dalku leeyahay kuna fashilantay masuuliyaddii shacabka soomaaliyeed kuu wakiisheen in kastoo baarlamaankii ku doortey aysan aheyn kuwo leh shacbiyad dadweyne balse ay ku yimaadeen qabiil, laakiin waxaan iskaga qaadaneynaa iney yihiin baarlamaan soomaaliyeed isla markaana ay ku doorteen, sidaas awgeedna aad masuuliyad u heysid ummadda soomaaliyeed,haddase waxaay ka muujineyaan rajo xumo iyo inaad isbaaro u dhigatey rajadii shacabka soomaaliyeed, tusaale haweenka ama gabdhaha soomaaliyeed 17/11/2013 xamar kulanka ku yeeshay hadaladii iyo baaqii ay kuu soo jeedinayeen ! waxaay ila muuqatey inaad dadka soomaaliyeed dhibaato u horseedeysid waayo iftiifkii baxayey ayaad ku talo gashey inaad damisid.

Adigoo xattaa wax kale iska daaye ka fekeriwaayey waqtiga lagu jiro,islamarkaana loo diyaar garoobey sidii mushkuladda soomaaliya xal looga gaari lahaa inaad abuurtid khilaaf aan laheyn wax sabab ah ama reason, haddana la wada og yahay in Ra;iisulwaasare Saacid uu soo maareeyey muddadii sanadka ahey inuusan khilaaf ka dhex abuurmin heyadaha dowladda iyo madaxdooda,taasna cid walba waa og tahay iyo xaqiiqada dhabta ah ee jirta iyo waxa keeney khilaafka.

WQ BY Dahir Nur Jama ( Dr Truman)
jama191@hotmail.co.uk

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com