Dhageyso Wareysi Xiiso Badan: Abwaan Maxamuud Sangub” Madaxda Dowladda Waa In Khilaafka Ay Soo Gaba-Gabeeyaan”.

0

sangubMuqdisho (AGGM): Abwaanada Soomaaliyeed ayaa baaq u diray madaxda sar sare ee dowlada federaalka Soomaaliya kaas oo ku wajahan khilaafka u dhexeeya Raiisul wasaarada xukuumada Cabdi Faarax shirdoon iyo Madaxweynaha dowlada Xasan Sheekh Maxamuud.

Abwaan Maxamuud C/laahi CIise Sangub ayaa saxaafada ka sheegay in ay siweyn uga xun yihin khilaaf xiligan soo kala dhexgala madaxdii dalka, balse loo baahanyahay in khilaafka la xaliyo.

Sangub waxa uu sheegay in loo baahnaa hadii uu khilaf jiro in dastuurka la raaco, ayna la tahay isaga hadii aan la raacin dastuurka in aanu khilaaf la buun buuniya jirin,

“Haday naga doonayaan, Duco, haday Daryeel iyo dabagal naga doonayaan waxaan dooneynaa in ay gacmaha isqabsadaan khilaafkana xaliyaan” sidaasi waxaa yiri Abwaan Sangub.

halkan hoose ka dhagayso abwaan sangub

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com