Warbixin: Madaxweyne Xasan Shiikh Oo Waayay Taageerada Caalamka, Xildhibaanada Iyo Shacabka Soomaaliyeed.

0

saacid - xasan sheekhMuqdisho (AGGM): Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa waxa ay sheegayaan in wali uu taagan yahay khilaafki u dhexeeya Madaxweyne Xasan Shiikh iyo R/wasaare Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid”, waxaan jira eedeeyn loo jeedinayo Madaxweyne Xasan Shiikh oo la sheegay inuu ku tumanayo sharciga Dalka u yaala.

Warkan ayaa intaasi waxa uu ku darayaa in beesha Caalamka iyo Golaha amaanka QM ay cadaadis saareen Madaxweyne Xasan Shiikh, waxaana cadaadiskaas loogu sheegay Madaxweynaha in uu xilka ka qaadi karin R/wasaare Saacid.

Dhinaca kale QM ayaa xafiiska madaxweynaha u soo dirtay wafdi sare oo u waday Madaxweyne Xasan Shiikh warqado uu u soo diray Xogahayaha Guud ee QM Ban Ki Moon, warqadahaas oo looga dalbanayay Madaxweynaha inuu joojiyo xad gudubka uu ku hayo Xukuumada R/wasaare Saacid, waxaana loogu baaqay in hada iyo waqti u dhowba aan xukuumada R/wasaare Saacid lakala diri karin.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa hadda waayay garabyo badan oo uu ku tashanayay, waxaana hadda kaliya taageeraya dowladda dalka QADAR oo dhaqaalo badan ku bixenaysa sidii xukuumada R/wasaare Saacid meesha looga saari lahaa.

Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa lagu wadaa in dhaqaalo bada ka qaataan Madaxweyne Xasan Shiikh kana horyimaadaan Moowshinka ka dhanka ah Xukuumada Soomaaliya ee uu hogaamiyo R/wasaare Saacid.

Isku soo wada duuboo xaalada xafiiska Madaxweynaha ee Madaxtooyada ayaa hadda waxaa laga dareemayaa Culeys Xoogan oo soo wajahay, Culeyskaas oo kaga imaanaya beesha Caalamka iyo Ummada Soomaaliyeed, waxaana lagu rajo weyn yahay in Madaxweyne Xasan Shiikh iyo R/wasaare Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid” ay sii wada shaqeeyaan.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com