Culumaa’udiinka Ahlusunna Waljamaaca Oo Gaabiyay Iyo Wahaabiyiinta Oo Si Xirafdeeysan Ulla Wareegaya Dalka.

0

ahlusunaCulumaa’udiinka Ahlusunna Waljamaaca ayaa waxa ay indhaha ka Daboolanayaan tabaha cusub ee ay la soo baxeen Wahaabiyiinta ku soo duulay dalka Soomaaliya.

Haddii aad ogeeydeen Al Itixaad, Maxkamadihi Islaamiga, Al Shabaab, Xisbul Islaam, Raaskambooni laga soo gudub warkaas oo maanta waxaa cariga maraya talada dalkana doonaya inay si xirfadeeysan ku qabsadaan iyagoo shaar cusub soo gashtay niman la magac baxay DAMU JADIID.

Wahaabiyiinta ayaa waxa ay go’aan ku gaareen in ay si xirfadeeysan ulla wareegaan talada dalka Soomaaliya oo dhan islamarkaana dhamaan deegaanada ay ka baxaan amaba laga xoreeyo Al Shabaab waxaa gacanta ku dhigaya taladana u qabanaya qof Wahaabi ah, haddii aanu tusaale usoo qaadano meeyd kaa la sii wadaa u dambeeyay’ee bal eega Jubbooyinka.

Culumaa’udiinkeena sharafta iyo xurmada leh ee Ahlusunna Waljamaaca ayaa waxaad moodaa in waayahan dambe ay aad uga gaabiyeen la dagaalanka Wahaabiyada ku soo duushay dalkeena, waxa ayna Culumadeenu indhaha ka daboosheen siyaasada iyo tabaha ay wadaan Wahaabiyadu ayna ku doonayaa inay talada dalka oo dhan kula wareegaan oo ay noqdaan R/wasaare, Raiisul Baarlamaan, Wasiiro, halka ay maamul goboleedyada laga dhisayo gobolada laga xoreeyay Al Shabaabna ay gacanta u galinayaan mid iyaga kamid ah oo uu noqonayo Madaxweyne Maamul Goboleed haddaba soo arrinka lama oran karo waa (Dahabshiil U Dhiibo, Dahabshiilna Ka Qaado).

Wahaabiyiinta Damu Jadiid waa musiib hor leh kana xun Al Itixaad iyo waxeey dhashay oo ay ugu dambeeyeen Al Shabaab haddaan ummada Soomaaliyeed hadda ka hortagina ay qaadan doonto mudo dheer sida looga sifeeyo dalkeena Soomaaliya.

Waxaan ugu baaqayaa Culumaa’udiinkeena sharafta iyo xurmada leh ee Ahlusunna Waljamaaca in intay goori goor tahay kacaan oo dareemaan kana dagaalamaan afgambiga ee ay wadaan Wahaabiyiinta ku soo duulay dalka Soomaaliya oo ay ka badbaadiyaan dadka iyo dalkaba musiibada Wahaabiyiinta.

Maxamed Saciid Muuse
Nairobi, Kenya

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com