(Xog Hoose) Saacid Garr Leh, Xasana Gardaran!

0

damu-jadiid7Waxaa caan baxday maah maah la yiraahdo “Caydiid Gar leh, Calina Gar leh” balse maanta waxaa taagan Saacid gar leh, Xasana gardaran, waa qormo aan doonayo inaan uga hadlo waxyaalaha gundhiga u ah khilaafka soo kala dhex galay madaxweynaha iyo raysala wasaaraha, kaas oo saamayn ku yeeshay horumaradii isdaba jooga ahaa ee ka socday dalka, niyad jabna ku riday shacabka Soomaaliyeed iyo Beesha caalamka.

Wax cusub maahan in ay is khilaafaan raysal wasaare iyo madaxweyne marka la eego taariikhda mugdiga ah ee ay ku soo jirtay Soomaaliya 12-kii sano ee ugu danbeeyey, balse khilaafkaan soo shaac baxay maanta ayaa ka duwan kuwii aan horay u arki jirnay, Raysal wasaare saacid waxaa uu halkii sano ee la soo dhaafay ku shaqaynaayey duruuf ay adag tahay inuu ku shaqeeyo Raysal wasaare Soomaaliyeed oo aan ognahay awooda uu siinayo Dastuurku, Ra’iisul Wasaare saacid ayaa la yimid dhaqan ka gadisan kuwii laga bartay dowladihii hor, balse arinkaas waxaa uu dhaxalsiiyey in shaqadu ay si wanaagsan ku socoto mudo sanad ah. Waxaa lays weydiinayaa waxyaalaha ku kalifay madaxweynaha inuu weydiisto RW inuu keeno istiqaalaqada.

Madaxweyne xasan sheekh ayaa marka uu la kulmo xildhibaanada waxaa uu u sheegaa in Saacid yahay nin wadani ah, geesi ah, runlow ah, waxaa marka is weydiin u baahan maxaa ku kalifay inuu yiraahdo waraaqda is casilaada keen mar hadiiba uu aaminsan yahay inuusan jirin shakhsi ka wanaagsan oo lala shaqeeyo, waxaa kaliya oo arintaas ku dhalin kara waa raaligalinta Hogaamiyaha ruuxiga ah Faarax Cabdulqaadir oo ka arki waayey dantiisa RW saacid.

Waa macquul in dad badan oo aan xog ogaal ahayn ay is weydiiyaan sababaha arintaan keentay balse waxaan jeclahay inaan u iftiimiyo arimo badan oo ka qarsoon shacabka Soomaaliyeed kuwaas oo asaas u ah codsiga madaxweynaha.

1. Fadeexadii ka qabsatay Bangiga oo labadii Gudoomiye oo uu madaxweynuhu magacaabay isagoo cidna la tashi kala samayn, aakhirkiina ay is casileen kadib markii ay arkeen in waxa meesha ka socdaa aysan ahayn maamul dowladeed, taas oo indhaha caalamka ku soo jeedisay in dowladda Soomaaliya ay tahay mid aan la aamini karin, mugdina galisay dhaqaalihii caalamku ku yaboohay shirkii Brussels.

2. Shaqadii xukuumada oo ay leexsadeen isaga iyo kooxdiisa Damul Jadiid, iyo ku tagri falida awooda raysal wasaaraha, oo si aan leex leexad lahayn ugu mashquulay waxaan shaqadiisa ahayn kuna xadgudbay dastuurka.

3. Dagaaladii ka dhacay gobolka shabeeladda dhexe, oo dagaal loogu gaysatay beel kamid ah beelaha aan hubaysanayn, sidii nin dalxiisa ah intuu diyaarad ku tagay Jowhar oo meel 4 km u jirta dagaal ka socdo oo aan xataa amrin ciidanka dowladu inay kala dhex galaan.

4. Heshiiskii uu Raysal wasaaruhu la soo galay Puntland oo u madaxweynuhu ka horyimid fulintiisa taas oo sabab u noqotay in Puntland xariirka u jarto dowlada dhexe,

5. Waxaa intaas dheer Faarax Cabdulqaadir oo heshiis la soo galay dowlada Ethiopia kaas oo ku salaysan sidii maamul goboleed ay garwadeen ka tahay Ethiopia looga dhisi lahaa Gobolada Bay,Bakool iyo Shabelada Hoose, heshiiskaas ayaa waxaa qayb ka ah in shariif xasan uu madaxweyne ka noqodo maamulkaas. Shariif ayaa lagula heshiiyey si loo suurto galiyo arinkaas in meesah laga saaro Raysal Wasaaraha, lana yareeyo culayska Gudoomiyaha baarlamaanka, wuxuu hada Shariif Xasan qayb ka yahay ololaha looga soo horjeedo Raysal Wasaaraha, iyadoo arinkaas culayskeeda uu hada dareemay gudoomiyaha baarlamaanka Jawaari oo xurguf siyaasadeed ay kala dhaxeyso Shariif Xasan.

Hadii aan soo qaadano qayb ka mid ah waraaqdii is casilaada Marwo Yusur Abraar ayaa si cad u sheegtay in waxyaalaha kalifay iscasilaadeeda ay ka mid yihiin in wadahadal dheer lagala yeeshasy sidii ay u ogolaan lahayd in lacago Soomaaliya dibada u yaala oo ay doonisteeda daba joogtay shirkad la yiraahdo Schulman & Rogers oo ay heshiis aan la soo marin Golaha Wasiirada iyo Baarlamaanka la galeen dad ka mid ah qaraabada madaxweynaha ay ka hor timid, waxaana ka mid ah qoraalkeedii,

“ilaa iyo intii lay magacaabay waxaa si isdaba joog ah lay weydiisanayey in aan ogolaado fulintiisa heshis lacag loogu shubayo xisaabaad gaar loo leeyahay oo ka furan Bangiyo , taas oo ka hor imaanaysa qiimahayga qofnimo, xadgudubna ku ah masuuliyada aan shacabka Soomaaliyeed ugu ahay Gudoomiyaha Bangiga Dhaxe, hadii aan soo qaato hal tusaale, sida aad ogtahay mudane madaxweyne wax badan ayaan ka gaabsaday inaan ogolaado arintaan ku saabsan heshiiska lala galay shirkada Schulman & Rogers, taas oo ah in dhaqaalaha kaga xanibnaa Soomaaliya ilaa xiligii ay burburtay dowladii Siyaad Bare loo weeciyo akoono gaaar loo leeyahay”

Sida laga dhadhan sanyo warqadeeda is casilaada Marwo Yusur waxay madaxweynaha ku sifaysay inuu sal u yahay musuq maasuqa laysku dayey in lagula kaco hantida shacabka Soomaaliyeed u taala aduunka dacaladiisa, sababtoo ah musuq maasuqii ay ku cadaysay qoraalkeda iscasilaada madaxwynuhu wax talaabo ah kama qaadin dadka ku xeeran oo musuq maasuqa caadaystay.

Waxaa wax laga xumaado ah in madaxweynuhu samaysatay golle wasiiro oo uu Raysal Wasaare ka yahay Faarax cabdul qaadir, kuwaas oo qabta shaqada dowlada oo dhan, waxaana loo bixiyey magaca maqaar saar ah (Policy Unit) waxaana xarun u ah Villa Somaliya, Golahan ayaa waxaa lagu fuliyaa danaha gaarka ah ee Damul Jadiid, taasina waxay meesha ka cadaynaysaa sida loogu xadgudbay awooda raysal wasaaraha.

Xildhbaanada sharafta leh waa inaad ogaataan in maanta masiirkii umada Soomaaliyeed uu gacmihiina ku jiro, loona baahan yahay in aad samaysaan taariikh ka duwan kuwii dalka soomaray, xanta taala damul jadiid dhexdooda waxaa weeye awalba lacaga ayaan ku keenay xasan hadana saacid waxaan ku saaraynaa lacag, idinkoo taas ka dhidhiyaya waa inaad ilaalisaan sharciga iyo kitaabkii aad ku dhaarateen, fadeexada uu madaxweynuhu sameeyey daraadeedna aad ku qasabtaan inuu is casilo, ama lagu qaado khiyaano Qaran(impeachment) ama la qabto doorasho ka soo hormartay xiligeeda mar hadii danta umada uu geed ugu xiray madaxweynuhu ururka Damul Jadiid.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com