Xog Dhab Ah: Daamul Jadiid Oo Sixiroolayaal Dhaqaale Badan U Dhiibay Una Adeegsadanaya Xildhibaanada

0

madaxweyneMuqdisho(AGGM) Magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka soomaaliya ayaa waxaa si xawli ah uga socda abaabulo kala duwan oo ay wadaan Kooxda Daamul Jadiid & Xafiiska Raisalwasaaraha Soomaaliya,waxaana saacadihi ugu dambeyey abaabuladaasi ka socdeen xafiisyada Madaxtooyadda & Huteelada Caanka ah ee Magaalada Muqdisho.

Kooxda Daamul Jadiid ayaa la sheegayaa inay lacag ku shubteen sixirlowga caanka ah ee Shariif Xasan Shiikh Aadan oo lagu yaqaano qaabka isdaba marinta iyo sixirka,waxaana la sheegaya inuu saacadihi ugu dambeeyey Huteelka Naasa Hablood ku qaybinayey dhaqaale baahsan.

Koox Diimeedka Daamul Jadiid ayaa la sheegayaa inay hadda bilaabeen inay adeegsadaan kooxo adeegsada Sixirka iyo Jinka isla markaasna xildhibaanada ku baayacaya dhaqaale lacageed,Waxaa daboolka laga qaaday inay xildhibaano badan arrintaasi ka soo horjeesteen isla markaasna muranka siyaasadeed sheegeen inay banaanka ka istaagayaan.

Koox Dimeedka Daamul Jadiid ayaa la sheegaya inay isku xireen labada falallow ee Faarax Toopaz Iy Shariif Sakiin isla markaasna huteelada Magaalada Muqdisho kula wareegayaan dhaqaale lacageed iyadoo wararku sheegayaan inay ku soo hungoobeen dhawr huteel oo ay ku ogaayeen xildhibaano baarlamaanka ka tirsan kana kulmeen diidmo qayaxan.

Kooxda Daamul Jadiid ayaa geed dheer iyo mid gaaban u saaran sidii ay shacabka soomaaliyeed hog ugu ridi lahayeen isla markaasna ay jar dheer uga tuuri lahayeen,waxaana la sheegayaa inaysan wali si dhab ah ugu guuleysan arrimahaasi iyadoo la sheegayo inay xildhibaano badan ceeb kala kulmeen.

Sidoo kale waxaa la sheegayaa inay Isbaaro u dhigteen xildhibaanada dalka dibediisa ku maqan isla markaasna ay xafiisyo ka furteen magaalada Nairobi kuna wargeliyaan Xildhibaanada Nairobi ku sugan inay isdiwaangaliyaan isla markaasna lacag dhaqaale ah siinayaan si ay qayb uga noqdaan foodada lagu doonayo in xukumadda lagu rido.

Dhinaca kale Masuuliyiin ka tirsan Xafiiska Raisalwasaaraha ayaa wacad ku maray inay ceeb weyn ka raaciyaan Koox Dimeedka Daamul Jadiid marka baarlamaanka laysula tago isla markaasna ay ceeb kala kulmi doonaan,waxaana ay sheegeen inay ka guuleysan doonaan kooxdaasi dalka horumar u horseedi doonaan.

Ugu dambeyntii Kooxda Daamul Jadiid oo u muuqata mid ku ceebowday siyaasada Soomaaliya ayaa ah kuwo galabkoodi dhacay isla markaasna ku socda wadadii uu maray alle ha u naxariistee dawladii Cabdilaahi Yusuf ee sida yar uu uga taqalusay Nuur Xasan Xuseen,tana waxay u egtahay mid wadadaas raacaysa.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com