Aqoonyahan Sheegay In Khilaafka Madaxda Uu Yahay Mid Salka Ku Haya Qaab Dhismeedka Dowladda.

0

saacid - xasan sheekhMuqdisho (AGGM): Khilaafka udhaxeeya Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaaraha dalka oo aad usii xoogeestay ayaa gaaray heerkii ugu sareeyay, iyadoo ilaa iyo iminka xal buuxa loo la’yahay.

Dr. Ciise Maxamuud Xalane, oo ah Aqoonyahan Soomaaliyeed ayaa ku tilmaamay Khilaafka Madaxweynaha Soomaaliya iyo Ra’iisul Wasaaraha ka dhaxeeya mid kusaleysan qaab dhismeedka Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Dr. Ciise Maxamuud Xalane, ayaa siyaasada Soomaliya ilaa biloowgeedii ku tilmaamay mid salka ay ku hayso khilaafaadka madax waliba oo hogaanka dalka Soomaaliya qabsata.

Wuxuu si aad ah udhaliilay hanaanka ay ku dhisan tahay Dowladda Federaalka Soomaaliya oo uu dusha ka saaray khilaafka inuu halkaasi ka yimid.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa diiday dalab ka yimid Madaxweynaha dalka Soomaaliya, kaasi oo ahaa inuu iscasilo Mr Saacid.

Madaxda ayaa ilaa iyo iminka la aamusan khilaafkooda, iyadoo la baadigoobaya xalka waxa uu kujiro, waxaana la isku adeegsanayaa siyaasad adag oo intooda badan dhaqaalo badan uu ku baxayo.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com