Khilaafka Madaxda dowladda oo Meel sare Maraya

0

saacid - xasan sheekhKhilaafka Ra’isal Wasaaraha Iyo Madaxweynaha oo gaaray meeshii ugu sareysa aya masuuliyiinta Dowlada oo ku howlanaa dhexdhexaadintooda iyo mudanayaal ka tirsan baarlamaanka oo u dhaxeeyay labada Masuul ayaa waxay sheegeen in ay ku guul dareysteen in ay isku keenaan labadooda.

Madaxweynaha Dowlada Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud aya ku adkey sanaayo in Rai’isal Wasaare Saacid uumeesha ka baxo isla markaana la soo dhiso Xukuumad Cusub oo Ra’isal Wasaare Cusubhogaaminaayo.

Ra’isal Wasaare Saacid yaa isna sheegay inuusan Xafiiskiisa ka tagi doonin ilaa uu waayay Kalsoonida Baarlamaanka.

Sida ay inoo xaqiijiyeen Mudanayaal ka tirsan Baarlamaanka aya waxay shegeen in Go’aanka loo gudbiyo Mudanayaasha Baarlamaanka.

Kulamada baarlamaanka oo maalinta beri ah dib u furmi doona ayaa mudanayaal ka tirsan Baarlamaanka waxay inoo xajiijiyeen in shanta maalin ay soo socota lagu wado in Mooshin ka dhan ah Ra’isal Wasaaraha loo gudbiyo Gudoonka Baarlamaanka markii uu soo aqbalana ay codka Kalsoonida u Qaadaa Ra’isal Wasaare Saacid.

Labada Masuul ee Ra’isal Wasaaraha iyo Madaxweynaha aya waxay wadan Dadaalo iyo welibo soo dhaweyn ay u kala sameeynayaan Mudanayaasha Baarlamaanka.