Dabacsanaanta Madaxweyne Xasan & Damaca Waalan Ee Dammu Jadiid Dawaladda Kudhacaysa.

0

damuljadiidMarkaad maqasho Madaxdii dawaladda Soomaliya ayaa is haya sow markiiba naxdin iyo anfariir kuguma dhasho, sow ma xasuusatid dadka kudhimanaya Badaha,kuwa dayaca kula jira Xabsiyada Dawladaha Shisheeye, Qaar kale oo inta xaqootinimo loo qaabilay lagu saxariirinayo shuruucda ay dhigteen dawladahaasi.Sidoo kale markaad maqasho Madaxweynihii & R/wasarihii ayaa xildhibaanadii Qaranku la kala safteen sow markale dareenkadu iskuma bedelo Midaan fadhiyin,intaasi oo dhami waxay ka guuxayaan maanta Shacbka Soomaliyed ee kudhaqan daafaha Caalamka.

Waxaan kaloo akhristayaasha xasuusinaynaa in dhacdooyinka la xiriira isqabashada Madaxda Dawladduhu uusan Meel banaan kadhalan ,waxaana xasuus mudan midkii ugu horeyey kadib bur-burkii wuxuu kadhex dhacay Dawladii KMG ahayd Ee lagu soo dhisay dalka Djabuti,Tuulada Carta.waxaana sal u ahaa isqabashadaasi Dhagar dublamaasiyaded oo katimid Dawladaha deriska mid kamida, waxaana Madaxweynihii xiligaasi Abdiqasim Salad Hasan lagu yiri hadaad R/wasaraha Bedesho waxaad naga helaysaa Aqoonsi dhinacyo abadan leh.

Kadib bedelkii R/wasare Galayr waxaa xigay in lagu yiraa Madaxweyne Qaasim (Beenteey kubiyo dhaanso) waa erey ay caruurtu isticmaalan markay isdhagrayaan. Waxaana sii socday dhagirihii siyaasded ee Qabsaday dawladihii dalka soo maray oo dhan, waxaana ugu danbeeyey Midan aan Maanta maydkeeda duljoogno.Dawladani waxay u dhimanaysaa laba arimood oo aan sina u kala harayn waana Dabacsanan kamuuqata Hogaanka sare ee dalka Madaxweyne Hassan shekh mahamud, iyo weliba Damaca waalan ee Kooxda Damul-jadiidka looyaqaan.Waxaana taasi soo dedejinaysaa inay dawladani Ku saqiirto mudo sanad ah.Waxaana markeliya isbedelay shucuurtii shacbiga Soomaliyed ee ay dibada iyo Gudaha jooga, qaarkood ayaaba weli koomo kujira kadib maqalkii isqabashada Madaxweyne Hassan & R/wasae Saacid.

Dadka saadaaliya Siyaasadda Soomaliya ayaa intooda badani waxay kudoodayaan inay arintaani lamid kuwii Kahoreyey oo ahaa Fariimo siyaasaded oo guracan kana yimid Dawladaha deriska oo iyaguna bartay sida loo fashiliyo Nidaamka ay Dadka Soomaliyed kuheshiiyaan. Waxaana kudarayaa Dhibatada aan tilmaamay xalkeda inuu noqon karo in meel layskadhigo kamaca kooxaha Danaha gaarka ah leh iyo weliba nin jeclaysiga nagu dhex baahay sidoo kalena aan dawladaha deriskaa u muujino isku xirnaan U dhaxaysa shacbiga soomaliyed, lagana gudbo Beelo-land Maamul-land, iyo Reer Hebel-land una gudubnaa Qaran Soomaliyeed, Shacab Soomaliyeed, Dhul-Soomaliyed.

Waxaan kaloo Baaq udirayaa Baarlamaanka Soomaliya inuusan Arimaha Isqabadka Madaxda Dawladda Uga Darin Sidoo Kale uusan la kala safan dhinacyada ishaya, waana inuu sida ugu dhaqsaha badan u waafajiyaa Dastuurka waxa uu tilmaamayo.
Suldaan Ali Abdulahi Hassan
Shacbaan5@hotmail.com

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com