Siyaasadda Waxaan Ku Aqaanay Iney Leedahay “Munaafaqad, Kartiyari”Laakiin Umma Heysan Iney Leedahay Doqonimo. W/Q. Dahir Nur Jama

0

urlWaxaan la wada soconnaa inuu khlilaaf xoogan oo aan la fileyn soo kala dhex galay madaxda sare ee dowladda soomaaliya, gaar ahaan Madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud iyo Ra’iisul wasaare Cabdi Faraax Shirdoon( Saacid), sida aan la wada socono dowladdu waxaay jirtey hal sano waxaan sidaa uga badneyn, laakiin nasiib darro weyn waxaay timid markii uu soo kala dhex galay is maandhaaf labada masuul waa Madaxweyne Xasan iyo Ra’iisul wasaare Saacid, oraah soomaali ah bay waxaay oraneysaa meeshii “Roob laga sugayey baa Ciiryaamo” ka timid. Dowladihii ku meel gaarka ahaa marka laga soo bilaabo Cali Mahdi ilaa Sheikh Shariif waxaa dowladaah la degey khilaaf la xakameyn waayey, laakiinse aad moodeyseyba inuu ahaa mid lagu talagalay si aysan soomaalidu uga bixin dhibaatada,isla markaasna soomaalidu ma noqon dad u saaxiib ah caqliga iyo aqoontaba waayo iyaga ayey aheyd iney maareeyaan khilaaf kasta oo ka yimaada kala feker duwanaanshaha isla markaasna si feejignaan leh, lehna dareen wadanimo iney u danqadaan danta guud shacabka soomaaliyeed ee dhibaateysan si loo badbaadiyo inta ka hartey.

Waxaa la is weydiin karaa su’aalo badan kuna saabsan maxaa keeney is maandhaafka labada masuul, waqtiga la joogo ma yahay mid loo dul qaadan karo, mase yahay mid ku wanaagsan waqtiga la joogo, ma khilaaf siyaasadeed baa mase waa khilaaf Dastuuri ah? Aabbaha khilaafka yaa waye ma mid ka yimid baa Saacid mase Xasan? Waxaa muuqata marka meelo badan laga eego in Aabaha khilaafku yahay Madaxweyne xasan Sheikh Maxamud waayo sida ay wararka lagu helayo ama akhbaarta meelo badan oo kala duwan kalana afkaar iyo aragtiyo duwan waxaay ka marqaati kacayaan in Madaxweyne Xasan uu ka dalbaday in Ra’iisul wasaare Saacid, isla markaana Saacid ku gacan saarey soo jeedinta casilaadda kaga timid xasan,damcan waxaa muuqata inuusan Ra’iisul wasaare Saacid ka sugeyn in Xasan Sheikh u soo jeediyo iscasilaad waayo Ra’iisul wasaare wuxuu diyaarinayey ama diyaariyey isku shaadheynta Golaha wasiirada,isla markaana uu doonayey inuu ballaariyo xubnaha ay ka kooban yihiin golihisa wasiirada, damcan in kuwo cusub yimaadaan, kuwo horey u joogeyna ay meesha ka baxaan, amaba xilalka loo kala wareejiyo, sidaa awgeed waxaa muuqata iney Saacid ku noqotay wax lala yaabo arrinta ku saabsan iscasilaadda ee ka timid Xasan sheikh.

Arrinta muhiim ka ah waxaay tahay Madaxweynuhu xaq ma u leeyahay inuu yiraahdo Ra’iisul wasaare waan ku casiley ama xilkii waan kaa qaaday ileyn micnaha soo jeedinta is casilaadda ma ahan wax kale waxaa waaye xilkii waan kaa qaaday!! Qodobka 90 aad ee dastuurka qabyo qoraalka ah ee dowladdaan Xasan Sheikh Maxamuud ka yahay madaxweynaha, Firqado ka mid ah Qodobkaan 90 aad wuxuu si cad u qeexayaa awoodaha iyo xilka madaxweyhana Jamhuuriyadda Federalka sida ku cad firqadda (D) ama Firqadda (5) waayo Dastuurka qabyo qoraalka ah waa mid leh koobiyo badan haddana isku micnaha dhaw waayo marka aan leeyahay qodobka 90 aad firqadda -5 aad waxaan ka soo akhriyey koobigii ay saxiixeen lixdii qof ee Road Map-ka, sidaa awgeed firqadaas 5 aad waxaay oraneysaa madaxweyhunu asagaa xaq u leh inuu soo magacaabo wasiirka koowaad,laakiin madaxweynuhu wuxuu kala dirayaa xukuumadda federalka ah marka uu Baarlamaanku kala laabto codka kalsoonida ah” I think in this point it’s very clear” midda kale firqadda 6 aad isla qodobka 90 aad waxay oraneysaa ” Madaxweynuhu” wuxuu xilka ka qaaya wasiirada,wasiiru-dowlayaasha iyo wasir-ku -xigeenada marka uu soo jeediyo wasiirka koowaad.

Sidaa awgeed waxaa ii muuqaneysa ineysan jirin sharci awood u siinaya inuu diro Ra’iisul wasaare Saacid waayo waddanku dastuur buu leeyahay waana waajib in lagu dhaqmo dastuurka dalku leeyahay, mana heyno meel ay kaga qoran tahay in xasan leeyahay awood noocaas ah. Marka uu madaxweynuhu ku takri falo dastuurka wax uusan u siin xaquuq dastuuri ah waxaa markaas imaaneysa in madaxweynuhu ku xad gudbey qodobo dastuuri ah waana qeyb ka mid ah waxyaabaha madaxweynuhu xilkiisa ku weyn karo,arrintu ma ahan ushu la jiifiyaana banaan,waxaan ka hadlayo waa sharci iyo nadaam dowladeed, mana jiro qof ka sareeya sharciga dalka u yaalla,madaxweynuhuna wuxuu xagga sharciga ula siman yahay muwaadaniinta kale.

Waxba wax bay ka sii daran yihiin isla markaana mudan in la sheego maxaa keeney in Madaxweynuhu khilaaf uu hormuud asagu ka yahay inuu bauuro waqti lagu jiro in waddana laga saaro dhibaatada, caalamku u yahay diyaar dhinac dhaqaale, siyaasadba, dib u dejinta dadka soomaaliyeed ee ku dayacan gudaha iyo dibeddaba.

Inuu la yimaado khilaaf noocaan ah waxaa is wqeyydiin mudan maxaa ku kalifay arrintaan,miyaanse la oran karin madaxweynuhu wuxuu galay qiyaano qaran, lagana fiirsado sii aheynta masuuliyadaan weyn ee ah mid heer qaran, waayo wuxuu u muqdaa in isbaaro u dhigtey xal ka gaariddii dhibaatada waddanka ka jirta ee baaxadda weyn, madaxweynuhu ma yahay mid doonaya in dadka dhiban ee soomaaliyeed la badbaadiyo, madaxweynuhu yuu u shaqeeyaa, hadda k horna waaban maqlayey eedaymo ay u soo jeedinayaan xubno ka tirsan Baarlamaanka soomaaliya inuu madaxweynuhu la shaqeeyo qolooyinka nabad diidka ah, micnaha ma ahan wax caqliga geli kara dabeecadaha uu la soo baxay Madaxweyne Xasan.

Hadda ka hor waxaa is casiley laba guddoomiye ee Bangiga dhexe, midkii ugu dambeeyeyna wuxuu xilka hayey wax ka yar bil islamarkii ay Muqdisho tagteyna iyadoo aan joogin laba todobaad ayey ka baxday waddanka, markii ay tagteyna dibedda ayey ku dhawaaqday iney iskaga tagtay shaqadii guddoomiyaha bangiga dhexe ee soomaaliya, taas oo aad loola yaabanaa gudaha iyo dibeddaba, beesha caalamka ee daneynayey iney soomaaliya dhaqaale badan oo waddanka dib loogu dhisayo, soo celinta amniga iyo kala dabeynta, xasilinta siyaasaddaaha ismaandhaafsan ee ka jira waddanka gudihiisa ,markaas wuxuu abuuray khilaaf hor leh !. Sidaa awgeed maxaan ku micneynaa fekerka Madaxweyne Xasan “Chirema,Chirema is an unrealistic Idea”

Waxaan aaminsanahay iney tahay wax lala yaabo dabeecadaha iyo habdhaqanka cusub uu la yimid Jaalle Madaxweyne, waxaana muuqata inuu dunidii indhaha ku heysey arrimaha soomaaliya marka laga eego dhinac kastaba Madaxweynuhu wuxuu sameeyey qaladaad aad u baaxad weyn, waxaana aaminsanahay iney shacabka soomaaliyeed ka tashadaan waxa dantu ugu jirto inta ka tagaan nin jecleysiga, caadifadda qabyaaladda, waayo in madaxweynuhu isbaaro u dhigto xal u heliddii mushkuladda daba dhaaratey ee heysata ummadda soomaaliyeed ma ahan wax loo dul qaadan karo waana in la abaaro meesha ay dhibaatadu ka jirto, si xal loo gaaro, in qof walbana shaqadiisa loo daayo.

Hadda ka hor waxaa jirey waqtigii uu madaxweynaha ahaa Sheikh Shariif inuu yiri, Ina Cabdi Rashiid waan kaa qaaday xilkii, haddana maalmo yar ka dib inuu yiraahdo waan ka noqday! waa yaab, soomaalida waxaa heysta dhibaato ah” qofka aadamiga ah” wuxuu marwalba u baahan yahay inuu cunto cuno waayo haddii kale maba noolaan karo sidaa awgeed soomaalida siyaasaddii baa waxaa ay noqotay in qof aan ehel u aheyn damac ka galo isla markaana ku guuleysto xattaa inuu noqdo madaxweyne qaran, laakiin qofku ma ahan mid u diyaar ah shaqada loo idmaday waayo asagaa shaqada u baahan , laakiin shaqadu uma baahna waana waxyaabaha la degey soomaalida.

BY Dahir Nur Jama ( Dr Truman)
jama191@hotmail.co.uk

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com