Digniin: Xildhibaanada Beesha Sade Iyo Qorshaha Sirta Ah Ee Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

0

damuljadiidMuqdisho (AGGM): Mid kamid ah Mas’uuliyiinta xafiiska Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud Oo xiriir hoose la soo sameeyay warbaahinta Allgalgaduud media ayaa waxa uu sheegay in Qorshaha Sirta Ah Ee Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu wado uu ku jahwareerinayo qaar kamid ah Xildhibaanada Beesha Sade ee ku sugan magaalada Muqdisho.

Mas’uulkan ka tirsan xafiiska Madaxweynaha ayaa waxa uu sheegay in maalmahanba laysla dhexmarayay, Madaxweyne Xassan Sheekh inuu rabo inuu Raiisul wasaare Cabdi Faarax Shirdon Saacid ku baddalo laba nin oo beesha Sade u’ dhashay midkood magaciisa la yiraaho Cabdiweli Sheekh, ahna xubin ka mid ah ururka Dammu-Jadiid dagana dalka Sacuudi Arabia, halka kan kalena uu yahay nin u shaqeeya Hay’adda UNDP xubina ka ah Dammu Jadiid.

Waxaa  imminka Mas’uulkan ka tirsan xafiiska Madaxweyne Xasan Sheekh kasoo bannaanbaxay, in labadaba nin ee Madaxweynaha uu ku qancinayo Xildhibaanada Beesha Sade inuu midkood ku badalayo R/wasaare Saacid inay yihiin maqaarsaar been ah, oo madaxweynuhu rabo, inuu xildhibaannada beesha Sade cod uga helo, balse musharraxiisa runta ah uu yahay nin kale oo aan ahyn labadaa nin  lana xaqiijiyay inuu isna yahay xubin ka mid ah uruka Dammu-Jadiid!!!

Hadaba waxaa isweydiin leh, xildhibaannada beesha Sade, ma waxay weligood ahaan, buundo biyaha daadka looga gudbo oo markii, qolo doonayso inay masuul Sade disho, iyaga loo adeegsado waddadii loo mari lahaa amaba ay noqdaan kuwo ku qanca qaatana $5000 oo doolar, balse aan dareemin dabinka loo dhigayo???

Arrintanu waxay dhibaato waarta usoo hoyin kartaa degganaashaha iyo nabadda Soomaaliya oo dhan, Qatar gaar ahna waxay ku tahay, jiritaanka magaca beesha Sade, iyo weliba Soomaliweyn, innaga oo maanta ogsoon qatartii caynwareejinta Jubbaland inay tahay mid si toos ah u’ socota, iyada oo dadkii reer Jubbaland laga barakicinayo dalkooda, lana soo daad guraynayo 250.000 illaa 450.000 dad dhan oo laga soo daabulayo Kenya iyo Itoobiya, dadkaas oo beesha Axmad Madoobe kasoo jeedo.

Halkan Hoose Ka Daawo Qorshahan.

Wasiirka arrimaha gudaha, wasiirka arrimaha dibedda iyo Madaxweyne Xassan Shiikh iyagaa ayaa saxiixay in deegaanada Jubbooyinka iyo Gedo Kenya loo saxiixo loona sharciyeeyo.

Isku soo wada duuboo su’aasha isweeydiinta mudan ayaa waxa ay tahay “Dammu-Jadiid Xagee Bay Soomaaliya u wadaan?

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com