War Deg Deg Ah: Madaxda Dawlada Oo Looga Yeeray Kampala

0

1395987_447434348694699_1241409254_nMuqdisho(AGGM) Madaxda dawlada federaalka ah ee Soomaaliya ayaa la sheegaya in saacadihii la soo dhaafay looga yeeray Caasimadda Wadanka Uganda ee Kampala iyadoo halkaasi ay ku sugayaan Madax ka tirsan beesha caalamka oo aad uga xun muranka siyaasadeed ee ka dhex taagan Madaxda dawlada.

Sidoo kale Madaxweynaha iyo raisalwasaaraha ayaa la sheegayaa inay saacadaha soo aadan Magaalada Kamapa u dulaan iyadoo kala adeegsanaya diyaarado kala duwan waxaan halkaas ka cad in muranka madaxda dawladu u marayo meel culus isla markaasna ay ku dadaalayaan in labada dhinac midba mid ka awood roonaado.

Madaxda Beesha caalamka ka tirsan ayaa la sheegaya inay madaxda dawlada ku wargeliyeen inay iska soo xaadiriyaan Magaalada Kampala ee caasimadda dalka Uganda si loo eego arrimaha siyaaasadeed ee ka dhex oogan labadooda,waxaana lagu wadaa in halkaasi ay ku kulmaan madaxda dawlada iyo kuwa beesha caalamku.

Ugu dambeyntii madaxda dawlada ayaa lagu wada inay u dhego nuglaadaan amarka beesha caalamka ka soo yeeray ee ku saleysan arrimaha siyaasadeed ee maalmaha ka dhex taagnaa labada xafiis ee Madaxweynaha iyo raisalwasaaraha kaasi oo todobaadkii la soo dhaafay soo shaac baxay.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com