Dowlada Qadar oo lacag soo garsiisay Urur dimeedka Damu jadiid ee ay taagerto

0

Wararka saka magaalada Muqdisho naga soo garaya  ayaa waxaay sheegayaan in saka Madaarka magaalada Muqdiso ay ka soo dagtay diyaarad qaas ah oo uu ku xardhan yahay  calanka wadanka Qadar.

Diyaaradan ayaa waxaa la socday  4 xubnood oo carab ah  islamarkana  aan la aqoon xilalka ay ka hayaan  Wadanka Qadar.

Mid ka mid ah howlwadeenada  Airporka caalamiga ah ee  Adan Cade oo diiday in uu magaciisa shaaciyo  ayaa  sheegay  in diyaarada ka timid   qatar  laga dajiyay  borsoyiin  lo malaynayo in ay ku jirto  lacag.

Shaqsigaan waxaa uu sheegaay in  xubniii saarna  Diyaaradaasi iyo  borsoyinkii ay wadeenba laga galbiyay garoonka  diyaaradaha Muqdisho ayado aan la aqon halka la dajiyay xubnahaasi ka socda wadanka qadar.

Imanshaha Diyaaradaan  ayaa waxaay ku soo adaysaa xili khilaafkii u dhexeyay Madaxweynaha  iyo Raisalwasaraa uu xargaha goostay ayado Abaabuladii ugu danbeyay  ay ka soconayaan  Xarunta loga arimiyo wadanka Somalia ee Villa Somalia.