War Deg Deg Ah: Ra’iisul Wasaaraha oo markii u horeysay ka hadlay Is-maandhaafka isaga iyo Madaxweynaha

0

16855Muqdisho(AGGM)War saxaafadeed oo goor dhow ka soo baxday Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon Saacid ayaa aheyd wargelin ku socotay shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan is maandhaafka isaga iyo Madaxweynaha u dhaxeeya ee ku saabsan arrinta is casilaada.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay ku kalsoondaan madaxdooda iyo xildhibaanada baarlamaanka oo leh mas’uuliyada koowaad ee xal u helida is maandhaafka jira, taasoo u muuqata in Ra’iisul Wasaaruhu doonayo in isaga iyo Madaxweynaha inay Baarlamaanka ku kala baxaan.

Ra’iisul Wasaare Saacid ayaa sheegay in is-maandhaafka u dhaxeeya isaga iyo Madaxweynaha uusan aheyn mid siyaasadeed ee uu yahay mid dastuuri ah, isla markaana xalkiisa yahay fahamka iyo ku dhaqanka dastuurka qaranka.

War saxaafadeedka ayaa lagu faray Hey’adaha ammaanka dowladda inay howshooda qaran wataan, ayna laba jibaaraan adkeynta amniga, shacabkana ay xoojiyaan doorkooda wadaniyadnimo.

Hadabana War saxaafadeedka oo soo gaaray nuqul ka mid ah Xafiiska Jowhar.com ee Muqdisho ayaa sida u qornaa

12 Nofeembar 2013

Wargalin Ra’iisul Wasaaraha ee ku Socota Ummadda Soomaaliyeed

Waxaa xusid mudan in bishaan November 2013, ay tahay sanadguuradii kowaad ee dhismaha Dawladda Federaalka ee Soomaaliya. Inkastoo marxalad adag iyo caqabado badan ay jireen hadana muddada kooban ee halka sano aheyd oo ay dawladdeena dhisneyd waxay gaartay guulo waaweyn iyo waxqabad muuqda gaar ahaan dhinaca amniga, dib-u heshiisiinta, maamulka iyo kobcinta dakhliga dawladda, waxbarashada, xoojinta siyaasadda arrimaha dibada, dhismaha haykalka dawladda iwm.

Inkastoo waxqabadka iyo hormarka aan kor ku xusay iyo wadashaqeyn waanaagsan ay ku dhammaatay sanad-guuradii kowaad, anoo ka xun waxaan ku wargalinayaa ummadda Soomaliyeed in uu dhab yahay is-maandhaafka la maqlay oo ka dhaxeeya aniga iyo Madaxweynaha. Is-maandhaafkaas ma’ahan mid siyaasi ah ee waa mid Dastuuri ah, xalkiisuna waa fahamka iyo ku dhaqanka Dastuurka Qaranka.

Waxaan ka codsanayaa ummadda Soomaliyeed iney ku kalsoonaadaan Madaxdooda iyo Xildhibaanada Golaha Shacabka oo ayagu leh mas’uuliyadda kowaad ee xal u helidda is-maandhaafkaan.

Ugu dambeyn, maadaama ay horyaalaan wadanka marxalado adag gaar ahaan dhanka amniga, waxaan farayaa hay’adaha dawladda oo dhan in ay wataan howshooda qaran, siina laba jibbaaraan adkeynta nabadda iyo habsami u fulinta howlahoodaa. Sidoo kale, waxaan ka codsanayaa shacabka Soomaaliyeed iney sii xoojiyaan doorkoodi ku aadanaa wadaninimada, nabadda, iyo hormarka dalka.

DHAMAAD
Ahmed Adan
Warbaahinta Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha
Muqdisho – Soomaaliya