Wasiirka arimaha gudaha oo u istagay daminta xiisado ka tagan Gobolka Sh/dhexe

0

Kulankan maanta Wasiirka arimaha gudaha iyo amniga qaranka uu la qaatay xildhibaanada baarlamaanka ee kasoo jeeda gobolka shabeelaha dhexe iyo maamulka gobolkaasi  oo looga hadlayay colaad beeleedyo kasoo cusboonaaday deegaanno ka tirsan gobolka shabeelaha dhexe  iyo saameynta shacabka ay ku yeeesheen fataahaadii dhawaan deegaano ka tirsan gobolkaasi uu ka geystay webiga shabeelle ayaa waxaa diiradda lagu saaray sidii arrimahaasi lagu xalin lahaa.

Gudooomiyaha gobolka shabeelaha dhexe Cabdi Jiinow Calasow oo isna kulanka ka hadlay ayaa sheegay in mudo ku dhow labo bilood ay dadaal dheer ugu jireen sidii loo soo afjeri lahaa xiisadaha colaadeed ee ka taagan degaano ka tirsan gobolka,  isagoo ugu baaqay hay’adaha caalamiga ah iyo kuwa gudahaba in ay gurmad deg deg ah ay lasoo gaaraan dadka gobolkaasi ku dhibaateysan oo saameyn ku yeeshay fatahaadda webiga shabeelle.

Wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga Qaranka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane C/kariin Xuseen Guuleed oo kulanka soo gaba gabeeyay ayaa sheegay in ujeedka kulanka maanta uu ahaa sidoo loo qaboojin lahaa dagaal beeleed deegaano gobolka shabeelaha dhexe ka tirsan ku dhex maray beelo walaala ah oo halkaasi wada dega, wuxuuna wasiirka ku dhawaaqay shir dib u heshiisiin oo labadaasi beelood loo qaban doono kaasoo wejigiiisa koowaaad lagu qaban magaaalada Muqdisho halka wejigiisa labaadna uu ku qabsoomi doono gobolka shabeelaha dhexe.

Tan iyo markii deegaano ka tirsan gobolka shabeelaha dhexe ay kasoo cusboonaadeen colaad qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac sababay ka dhacay deegaanno ka mid ah gobolka ayaa waxa  socday dadaallo lagu xalinayo khilaafaadka sababay gacan ka hadalka.