Daawo Sawirada: Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Xalay Casho Usameeyay Ergadi Jubbooyinka.

0

cash2Muqdisho (AGGM): Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay Xarunta Madaxtooyada casho sharaf ugu sameeyay xubnaha Ergooyinka ka socday Jubooyinka ee ka qeyb galayay shirka dib u heshiisiinta.

Munaasabada cashadan ayaa waxaa ka soo qeyb galay Gudoomiyaha Baarlamaanka, Ra’iisul Wasaaraha, Wasiirka Arrimaha dibada Itoobiya, Hogaamiyaha Maamulka KMG ah ee Jubooyinka Axmed Madoobe iyo xubno ka tirsan labada gole.

Cashada ka hor ayaa waxaa la soo bandhigay heeso wadani ah iyo riwaayado muujinayo dhibaatada ka jirta dalka Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon oo ka hadlay kulanka ayaa ku bogaadiyay Hogaamiyaha Maamulka KMG ah ee Jubba sida uu ugu bareeray nabada, isagoo cadeeyay inay xukuumadiisa diyaar u tahay sidii nabad iyo horumar ugu hirgelin lahaayeen Jubooyinka.

Wasiirka Arrimaha dibada Itoobiya Dr. Tedros Adhanom oo ka hadlay casha sharafta ayaa sheegay in Itoobiya ay garab taagan tahay Soomaaliya, isagoo cadeeyay in Soomaaliya ay la rabaan nabad iyo horumar.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo gaba gabadii casha sharafka ka hadlay ayaa kula dar daarmay ergada jubooyinka iyo madaxdoa inay gacmata is qabsadaan, ayna ka qeyb qaataan horumarka iyo midnimada umada Soomaaliyeed.

“Shalay ninkii ku mashquulo berri ayaa dhaafto” sidaas darteedna kula dar darmay ergada Jubooyinka iyo Madaxda in ay gacmaha is qabsadaan kana shaqeeyaan midnimadda iyo horumarka umadda Soomaaliyeed eek u nool goboladda”ayuu yiri Madaxweynaha.

“Waxaan u rabnaa nabad iyo maamul wanaag dhamaan goboladda Soomaaliya. Muhiimadda waxa weeye Soomaaliya oo mid ah oona nabad ah”

Madaxweynaha oo sii hadlayay ayaa yiri “Xiriirka Soomaaliya iyo Itoobiya caawa wuxuu marayaa meeshii ugu wanaagsaneyd. Baal cusub ayaa noo bilawday waana u mahad celinayaa Dowladda Itoobiya dadaalka ay ku bixineyso in ay Soomaaliya nabad ka dhalato

“Waxaa la yaab ah in Wasiirka arimaha Dibadda ee Itoobiya uu Muqdisho seexanayo si nabad ahna ku dhex socdo, Dad aan Wasiir iyo wax u dhaw aheyna ay dhahaan Muqdisho ama Soomaaliya waa khatar oo lama tegi karo, waasna waa mid aan la yaabnay”ayuu yiri Madaxweynaha.

Ugu danbeyntii Madaxweynaha ayaa bogaadin iyo hambalyo u soo jeediyay Maamulka KMG iyo ergooyinka Jubbooyinka.

cash2 cash1 cash

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com