Akhriso War-Murtiyeedkii Ka Soo Baxay Shirweynihii Dib-u Heshiisiinta Shacabka Jubbooyinka.

0

shirka jubbooyinkaWarmurtiyeed shirka dib-u-heshiiisiinta Shacabka Jubbooyinka

Horudhac

Iyadoo laga amba qaadayo fulinta iyo hirgelinta heshiiskii Addis Ababa ee bishii August sanadka 2013ka dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay qaban qaabisay shirweyne dib-u-heshiisiineed ee shacabka Jubbooyinka ku dhaqan, shirweynaha oo socday mudadii u dhexeysay 3-6dii November waxaa ka soo qeyb galay 200 oo xubnood oo ah ergooyin ka kala yimid deegaannada kala duwan ee Jubbooyinka.

Ergada shirka waxa ay si hufan uga falaqeeyeen sidii heshiis buuxo looga dhex dhigi lahaa bulshada degan Jubbooyinka, iyadoo laga amba qaadayo heshiiskii Addis Ababa.

Qodobada dooda oo ahaa kuwa muhiim ah oo lagu hirgelinayay heshiiskaasi iyo nabadeynta Jubbooyinka waxa ay ahaayeen:-

Horumarinta nabadeynta iyo dib-u-heshiisiinta

Horumarinta amniga, isdhexgalka ciidanka iyo la dagaalanka argagixisada

Kor u qaadidda adeega bulshada iyo dhaqaalaha

Dood dheer kadib shirweynaha waxa uu soo jeediyay talooyinka soo socda.

Dhinaca nabadeynta iyo dib-u-heshiisiinta

1- In si buuxdo la iskula qaato heshiiskii Addis Ababa ee bishii august ee sanadka 2013

2- In bulshada Jubbooyinka isu tanaasulaan, iscafiyaan islamarkaana la isku celiyo wixii hanti ah ee la kala haysto, lagana tago wixii colaad hurin kara, iyadoo fariin nabadeed loo dirayo dhamaan deegaannada Jubbooyinka.

3- In maamulka KMG ah laga wada shaqeeyo, lana dhameystiro, si loo wada dhanyahay oo ay ka dhex muuqdaan dhamaan beelaha wada dega Jubbooyinka, iyadoo la tixgelinayo xaquuqda beelaha laga tirada badanyahay, dowladda Federaalka ahna ay gacan ka geysato fududeynta arrintaasi.

4-In shirka qeybtiisa dambe ee dib-u-heshiisiinta, loo wareejiyo magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubada Hoose

5- In la xoojiyo kaalinta bulshada rayidka ah ay ku leeyihiin Jubbooyinka

Arrimaha Amniga

1- In la dhiso hay’adaha ammaanka qeybahooda kala duwan, sida booliska, xoogga dalka iyo ciidamada Asluubta, kuwa aan hadda ka qeyb qaadan karina in loo abuuro shaqooyin kale.

2- In si nabad ah dib la isku soo celiyo ciidamada jubbooyinka ee degan duleedka magaalada Kismaayo, lana mideeyo ciidamada oo dhan.

3- In ciidamada la dhameystiro, loona dhameystiro waxyaabaha ay u baahanyihiin tababarka, qalabka iyo in la dhiso maxkamad ciidan.

4- In si wada jir ah deegaanada ay ku suganyihiin Al shabaab laga xoreeyo, iyagoo iska kaashanaya Maamulka KMG ah, dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo Ciidanka AMISOM.

5- In la furo xarumo lagu dhaqan celiyo dhalinayarada la marin habaabiyay

Xagga arrimaha Bulshada

1- In la horumariyo kheyraadka Jubbooyinka sida xoolaha, beeraha, kalluunka iyo kheyraadka dabiiciga ah, lana dhiiri geliyo ganacsiga iyo warshadaha sida gaarka ah loo leeyahay.

2- In la soo celiyo goobihii waxbarashada lana furo dugsiyo xirfadeed

3- In la sameeyo daryeel caafimaad oo tayaysan lana gaarsiiyo ilaa iyo heer degmo iyo mid tuulo

4- Dowladda federaalka ah iyo bulshada caalamka in ay ka kaalmeeyaan gobollada jubbooyinka sidii dib loo soo celin lahaa adeegyadii bulshada.

Mahadnaq

Ergo shirweynaha waxa ay mahadnaq u soo jeedinayaan dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya sida weyn ay ay isugu xil saartay soo qaban qaabinta iyo hirgelinta shirweynaha dib-u-heshiisiinta.

Ergadu waxa ay sidoo kale u mahadnaqaysaa dhamaan dadkii gacanta ka geystay hirgelinta shirkaan gaar ahaan beesha caalamka, iyadoo sidoo kale dowladda Ethiopia looga mahadcelinayo doorka ay ku lahayd shirka.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com