Sir Fakatay: Liiska Ergada Garabka Axmed Madoobe Ee Shirka Dib U Heshiisiinta Jubbooyinka Ee Magaalada Muqdisho.

0

xog1Muqdisho (AGGM): Warbaahinta caalamiga ah ee Allgalgaduud Media ayaa waxa u suuragashay inay hesho qaabka loogu qeeybiyay beelaha ergada garabka Axmed Madoobe ee shirka dib u heshiisiinta Jubbooyinka ee dhawaan ka furmaya magaalada Muqdisho.

Waxaa soo baxaya waxa ay in mudo ahba  uga  digeeysay warbaahinta Allgalgaduud Media  beesha SADE taa oo ah in ragga sheegta magaca beesha aysan ahayn kuwa matali kara masiirka Beesha Sade iyo masiir ummad Soomaaliyeed ka dhaxeeyaba, Horjoogeyaasha maleeshiyo beeleedka Raaskamboonina aysan doonayn inay Nabad kula noolaadaan ummada Soomaaliyeed ee dagta gobolada Jubbooyinka amaba  in wax xal ah loo helo colaadaha hareeyay gobolada Jubbooyinka, waxaana daliil u ah qaabka loo qeeybsaday Ergada mataleeysa beelaha ee shirka Din u Heshiisiinta gobolada Jubbooyinka ee dhawaan ka furmaya xarunta dowladda Federaalka Soomaaliya Muqdisho.


Axmed Madoobe Ergada Uu Keensaday iyo Qaabka wax loogu qeeybiyay.

OGAADEEN 40

MAREEXAAN 24

HARTI 15

GAALJECEL 5

CAWRAMALE 8

SHIIQAAL 9

DHANKA DAWLADA WAA

OGAADEEN 9

MAREEXAAN 9

HARTI 9

GAALJECEL 9

CAWRAMALE 9

SHIIQAAL 9

WARDEEY 9

Waxaa kale oo ah wax lala yaabo aawaye beelihi kale ee Soomaaliyeed sida  Biyamaal, Digil iyoMirif , Jareerwayn, Baajuun iyo kuwa kale oo badan? tani waxa ay ku tusaysaa in Nabada Jubbooyinka  ceel lagu sii ridayo oo lagu tumanayo xuquuda dad dhan oo Soomaali ah.

Isku soo wada duuboo sida ka muuqata labadan liis ee ergada beelaha ayaa ah, Hal xaaraan ah Nirig xalaal ah ma ay dhasho , waxaana muuqda tani inaysan huri doonin colaado markale hareeya deegaanada Jubbooyinka, dowladda Soomaaliyana aysan dhag jalaq u siinayn cabashada ka soo yeeraysa odayaasha dhaqanka iyo Siyaasiyiinta  matala ummada Soomaaliyeed ee dagta gobolada Jubbooyinka ,marka laga reebo maleeshiyo beeleedka Raaskambooni.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com