Dhagayso:Maxamuud Sayid “Dowladda Soomaaliya Waxay Siisay Axmed Madoobe 100 Ergo Ah, Kana Warbixiyay Shirki Shalay”.

0

maxamuud-sayid-aden1Muqdisho (AGGM): Iyadoo magaalada Muqdisho ay ka socoto qaban qaabada shirka dib u heshiisiinta Jubooyinka iyo Gedo oo lagu wado in 2-November uu dhaco ayaa waxaa soo baxaya dhaliilo loo jeedinayo dowladda Soomaaliya oo ku aadan habka ay u wado abaabulka shirka.

Maxamuud Sayid Aadan oo ka mid ah siyaasiyiinta ka soo jeeda Gobolka Gedo, kana mid ahaa Xildhibaanadii hore ayaa wax lala yaabo ku tilmaamay qaabka dowladda u wado qaban qaabada shirka.

Waxaa uu ku dhaliilay dowladda in ilaa 100-ergo ay siiyeen Maamulka Axmed Madoobe, taasna uu ku tilmaamay in aanay cadaalad aheyd.

“Dowladda waxay si cadaalad daro ku qeybisay ergooyinka ka qeyb galaya shirkaas oo 100 ergo la siiyay Axmed Madoobe, shirkana waxaa loogu tala galay 150-175 inay ka soo qeyb galaan dadka ka soo jeeda gobolada uu quseeyo”ayuu yiri Maxamuud Sayid Aadan.

Axmed Madoobe ayaa dhowaan aqbalay inuu ka soo qeyb galo shirka Jubooyinka ee lagu qabanayo Muqdisho, kadib markii isaga iyo wafdi uu hogaaminayay Wasiirka Arrimaha Gudaha ay isku afgarteen arrimaha shirka.

Gudi dowladda Soomaaliya u magacawday shirka Jubooyinka ayaa wada qaban qaabadii u dambeysay, iyadoo gudigan ay garwadeen ka noqonayaan shirka oo ay isa soo hor fariisin doonaan dhinacyada isku haya maamulka Jubooyinka.

Halkan Guji Kana Dhagayso Wareeysiga Maxamuud Sayid.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com