Daawo Sawirada: Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Maanta Xafiiskiisa Ku Qaabilay Kuxigeenka Ban Ki-moon.

0

jan_eliasson_9Muqdisho (AGGM): Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamud ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Jan Eliasson, oo ah ku xigeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey, isagoo ku ammaanay booqashadan taariikhiga ah iyo furitaanka xafiiska cusub ee Qaramada Midoobey ay ka furaneyso Soomaaliya.

Shir Jaraa’id oo ay si wada jir ah u qabteen Madaxweynaha iyo Ku xigeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey ayaa waxay kaga hadleen kulankooda iyo waxyaabihii ay diirada ku saareen.

“Booqashadan maanta waa mid taariikhi ah oo caddeyneysa sida ay QM uga go’antahay garab istaagooda, waxaana maanta ku soo dhoweyney Muqdisho Jan Eliasson oo ah Ku xigeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey”ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

“Qaramada Midoobey waxey na tuseen sida ay noo taageersanyihiin oo ay weliba xafiis hor leh oo cusub ay ka furanayaan Muqdisho. Wadashaqeyn rasmi ah oo na dhexmarta Qaramada Midoobey waa muhiim oo noo sahleysa inaan sida wada jir ah u wada shaqeyno, tanoo kordhineysa xiriirka, gar-gaarka bani’aadanimo, go’aan gaarista iyo wada shaqeynta si hufnaan iyo furfurnaani ay ku jirto”ayuu sii raaciyay hadalkiisa.”

Madaxweynaha iyo ku xigeenka Xoghayaha Guud ee QM ayaa waxey ka wada hadleen kaalmada iyo wada shaqeynta Qaramada Midoobey ay u fidiso Soomaaliya, horumarka ballaaran ee ka jira Soomaaliya iyo caqabadaha jira.

Sidoo kale waxey ka wada hadleen shirka Golaha Ammaanka ee QM oo dhowaan dhacaya loogana hadlayo sidii caalamku u taageeri lahaa Ciidanka Soomaaliyeed iyo kuwa AMISOM. Madaxweynaha ayaa yiri “Al-shabaab waa laga guuleystay, laakin weli ma aysan dhiman, Golaha Ammaanka ee QM waa inay caawinaan sidii ciidanka Soomaalida iyo kuwa AMISOM u heli lahaayeen tasiilaadkii lagu dhameystiri lahaa shaqada oo Al-Shabaab dalka looga sifeyn lahaa. Mustaqbalka Soomaaliya iyo xasilinta dalkaba waxey ku xiran yihiin sidii loo heli lahaa ciidan Soomaaliyeed oo tababaran isla markaana heysta dhaqaalihii ay ku howlgali lahaayeen.”

“Xiriirkeena annaga iyo QM waa mid mudo soo jireen ahaa oo waqtiyo fiican iyo waqtiyo murugo lehba aan isla soo marnay. Waxaana soo dhoweyneynaa taageerada iyo isgarab istaaga QM oo ay taageerayaan qorsheyaasheena amniga, dib u dhiska dalka iyo xasilinta dalka. Kaalmadii QM, Midowga Afrika iyo caalamkaba waxaa noogu suurto gashay inaan horumar baaxad leh sameyno sanadkii la soo dhaafay. Caalamkuna wey arkaan horumarkaas aan sameyney, laakin weli waddo dheer baa na wada sugeysa si aan dalka ugu soo dabaalno amni, kala danbeyn iyo horumar dhan walba ah. Waxaan ka shaqeyneynaa Soomaaliya oo nabad ah oo si nabad ah ula shaqeyneysa waddamada deriska ah iyo caalamkaba, oo shacabku ay nolol maalmeedkooda si nabad ah ugu shaqeysanayaan oo ay kalsooni iyo sharaf ku jirto.

“Aad iyo aad baan ugu faraxsanahay in QM ay nala joogana oo ay nagala shaqeynayaan waddadaas iyada ah. Ayuu yiri Madaxweynahu.

jan_eliasson_4 jan_eliasson_3 jan_eliasson_2 jan_eliasson_1

jan_eliasson_9 jan_eliasson_8 jan_eliasson_6 jan_eliasson_5

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com