Dhagayso: Odayaasha Dhaqanka Beelaha Hawiye Oo Ka Hadlay Shirka Ka Socday Nairobi.

0

Nabadoon XaadMuqdisho (AGGM): Odayaasha dhaqanka Beelaha Hawiye ayaa digniin u diray kooxda shirka dhawaan ugu soo dhamaaday magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya.

Guddoomiyaha odayaasha dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye Nabadoon Maxamed Xasan Xaad oo la hadlayay Warbaahintagudaha ayaa ka digay shirarka aan loo dhamayn ee maamulada loogu samaynayo gobolada dhexe ee dalka Soomaaliya, waxuuna sheegay In kooxda Halkaasi ku Shirtay aysan cidna matalin.

Nabadoon Xaad ayaa hoosta ka xariiqay shirkii dhawaan ka dhacay magaalada Nairobi inuu u horseedi karo dadka daga gobolada dhexe colaad isla markaana wuxuu tilmaamay dadka soo qaban qaabiyay shirkaasi inay yihiin kuwa aan waxba kala socon xaaladaha gobolada dhexe ee dalka Soomaaliya, oo xil doon ah.

Halkan Guji Kana Dhagayso Wareeysiga Nabadoon Xaad.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com