Nairobi (AGGM): Ra’iisul wasaarihii hore ee dalka Kenya Raila Odinga ayaa cambaareeyey sida ay ciidamada dalkaas ula tacaaleen weerarkii ka dhacay xarunta ganacsiga Westgate ee magaalada Nairobi bishii hore.
Odinga oo hadda ku sugan dalka Mareykanka ayaa dhaleeceeyey bililiqo la sheegay in ciidamada ay u geysteen xarunta intii uu socday weerarka, isagoo xusay in ay dadka Kenyan ah aad ula yaabeen markii ay arkeen video muujinayo ciidamada oo alaabo ka qaadanayo goobo ganacsi.
Wuxuu sheegay in ay ka naxdin iyo yaab badneyn weerarkii dhacay markii la arkay muuqaallada ciidamada oo wax bililiqeysanayo, taasoo uu ku tilmaamay mid wax u dhimeyso sumcadda iyo xirfadda ciidanka.
Muuqaallada oo ay baahiyeen talefashinnada Kenya oo laga helay kaamiroonka qarsoon ee CCTV ayaa muujinayeymilitariga Kenya oo wata baco ay ku jiraan alaabo ay ka soo qaateen dukaamo Westgate ku yaalla.
Muqaallada ayaa dhaliyey caro dadweyne, iyadoo saraakiishu ay beeniyeeen in ay ciidanka bililiqo ku dhaqaaqeen.
Taliyaha booliiska Kenya David Kimaiyo ayaa Arbacadii sheegay in la xiri doono, dacwadna lagu soo oogu doono warfidiyeennada baahiyey warar iska horkeenayo dowladda iyo shacabka.
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com