Dowladda Mareykanka Oo Ka Qeyb-qaadanaysa Dhismaha Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliya.

0

marayMuqdisho (AGGM): Mareykanka ayaa maanta sheegay in uu qeyb weyn ka qaadan doono dib u dhiska iyo tayeynta ciidanka xoogga dalka Soomaaaliya oo dowladda Soomaaliya ay haatan waddo qorsheyaal lagu doonayo in ciidanka dib loogu tayeynayo.

Abaanduulaha ciidanka ururka ay ku mideysan yihiin Mareykanka iyo Afrika ee AFRICOM, Jeneral David  Rodrigues iyo kaaliyaha xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka ee Afrika, Lind Thomas-Greenfield oo si wadajir ah shirjaraa.id ugu qabtay online maqal iyo muuqaal ah ayaa sheegay in Mareykanka uu waddo qorshayaal uu dowladda Soomaaliya uga caawin doono sidii loo tayeyn lahaa ciidanka xoogga dalka Soomaaliya.

Labada mas’uul oo su’aalo ay weydiinayeen weriyayaal ku suganaa safaaradaha uu Mareykanku ku leeyahay qaarada Afrika, ayaa sheegay in helista ururka Alshabaab ay tahay mid weli jirta, loona baahan yahay in la xoojiyo awoodda ciidanka dowladda Soomaaliya oo ay sheegeen in ay yihiin kuwa kaliye ee ciribtiri kara halista Alshabaab.

Jeneral David  Rodrigues ayaa sheegay in Mareykanku uu laba jibbaari doono taageerada dhaqaale iyo midda milatari ee uu u fidiyo ciidamada nabad ilaalinta AMISOM, kuna ammaanay doorka ay AMISOM ka qaadaneyso dib u soo celinta nabad iyo xasillooni ka dhalata Soomaaliya.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com