Dhagayso:Imaam C/llaahi Khaliif “Kismaayo Qoys Malahan, Anagaba Waan Dagnaa, Dowladana Wey Fududaatay”.

0

top-newsMuqdisho (AGGM): Imaamka Beesha Habargidir Imaam C/laahi Khaliif ayaa xalay sheegay in dowladda Soomaaliya ay ku deg degtay heshiiskii ay la gashay maamulka KMG ee Jubba, waxaana dhanka kale uu sheegay in magaalada Kismaayo aan la kala xigin.

Waxa uu sheegay in dowladda hadda aysan haysan kalsooni badan, islamarkaana taa ay ka dambeysay ka dib markii uu sheegay in beel kaliya wixii ay rabtay loo sameeyay.

Maamulka Jubba ayuu sheegay in beesha uu kasoo jeedo xitaa ay saami ku lahayd laakiinse la duudsiiyay, waxaana uu si aad ah u dhaliilay maamulka Jubba iyo dowladda.

 

Halkan Guji Kana Dhagayso Wareeysiga

 

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com