Gudoomiye C/qaadir Sidii Oo Beeniyey In Uu Iska Dhiibay Dalalka Yurub.

0

siidiiMuqdisho (AGGM): Guddoomiyaha Gobalka Shabeelaha hoose C/qaadir Maxamed Nuur Siidii ayaa beeniyay warar ay qoreen warbaahinta qaar oo ku aadanaa inuu Guddoomiyaha baxsaday oo dalalka Yurubta uu iska dhiibay.
C/qaadir Siidii oo hada ku sugan Gobalka uu Guddoomiyaha ka yahay ayaa sheegay in Wariyeyaasha qaarkood ay qoreen warar ku aadan in Guddoomiyaha uu baxsaday, taasina ay tahay mid aan waxba ka jirin.

Wuxuu sheegay in dalalka uu tagay uu utagay la kulanka Jaaliyadaha kasoo jeeda Shabeelaha hoose, si ay Gobalka dib ugu soo noqdaan oo ay ka qeyb qaataan horumarada iyo dadaalada ka socda Gobalka.

Siidii ayaa xusay in dhamaan dadkii uu lasoo kulmay ay usoo balan qaadeen inay dib ugu soo noqonayaan Gobalka si ay ula socdaan halka ay mareyso nolosha dadka ku nool Gobalkaasi.

Muddooyinkaan dambe ayaa warbaahinta qaar gaar ahaan Website-yada ay qoreen warar ku aadan in Guddoomiyaha Gobalka Shabeelaha hoose uu iska dhiibay dalal kamid ah Yurubta, kadib ka qeybgalkiisii shirkii Brussels.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com