Falaagada Al Shabaab Oo Weerar Gaadmo Ah Mudo Kooban Kula Wareegay Deegaanka Goof Gaduud Ee Gobolka Bay.

0

shabaab baraaweBaydhabo (AGGM): Falaagada argagixisada ah ee Al-Shabaab ayaa muddo saacado la wareegay deegaanka Goof-gaduud ee duleedka magaalada Baydhabo, kadib dagaal culus oo ka dhacay halkaas.

Sida ay sheegayaan wararka falaagada Shabaab ayaa weeraro culus oo gaadmo ah ku ekeeyeen deegaankaas oo ay saldhigyo ku lahaayeen ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM, halkaas uu ka dhashay qasaare dhimasho iyo dhaawac.

Dagaalka oo bilowday xalay saqdii dhexe ayaa ka dambeeyay markii falaagada Al-Shabaab ay dhowr jiho ka weerareen deegaanka Goof-gaduud Shabellow ee duleedka Baydhabo.

Horjoogeyaal ka tirsan falaagada Al-Shabaab ayaa sheegay in muddo saacado ah ay dagaalka kula wareegeen ayna jiraan qasaare baaxad leh oo ay gaarsiiyeen ciidamada dowladda oo difaac hore ku lahaa deegaanka.

Wararka ayaa sheegaya in falaagada Al-Shabaab markii dambe ay isaga baxeen deegaanka, iyadoo ciidamo gurmad ah oo ka yimid Baydhabo ay gaareen deegaanka Goof-gaduud, si ay u xoojiyaan ciidankii deegaankaas ku sugnaa.

Isku soo wada duuboo falaagada Al-Shabaab ayaa horay weeraro ugu soo qaaday duleedka Baydhabo, iyadoo weerarkan uu ahaa kii ugu cuslaa oo ka dhaca halkaas tan iyo markii Ciidamada AMISOM ay la wareegeen ammaanka guud ee magaalada Baydhabo laboa bilood ka hor.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com